Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu Cafis u fidiyo Maxaabiis ku jirta Xabsiyada dalka.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha JFS ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu dalbaday liiska Maxaabiista danbiyada fudud ee ku jira ilaa Seddex Xabsi oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa Cafiskaasi ula gol leh fadliga Bisha Ramadaan ee aan ku jirno waxaana iminka la sugayaa liiska Maxaabiis wajihi doona Cafiska heer Madaxweyne.
Sidoo kale, Xogta waxa ay intaa kusii dareysaa in Madaxweynaha dalka uu kulan la qaatay Taliyayaasha Xabsiyada dalka oo uu ugu horeeyo Taliyaha Xabsiga Dhexe, waxa uuna kala hadlaayay arrinta Maxaabiista xiran iyo kuwa mudan in lagu daro Cafiska.
Madaxweynaha ayaa horay u sheegay inuusan raali ka noqon doonin in Xabsiyada dalka ay ku jiraan Maxaabiis u xiran sabab la’aan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn xiliga rasmiga ah ee uu Madaxweynaha ku dhaqaaqi doono Cafiska Maxaabiista danbiyada yar ee ku jira Xabsiyada magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]