Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka iyo madaxda maamullada Jubaland iyo Puntland ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay kulan ku yeeshaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay isugu tegi doonaan dhinacyadaas.
Shirkan oo ah mid ka dhan ah Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qayb-geli doono xubnaha ugu sarreeya Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, iyaga oo ka tashan doono aayaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo lagu kalsoonaan karo.
Guddiga farsamada ee Golaha Mustaqablka ayaa haatan shirar gaar gaar ah ka wada caasimada Garoowe ee Puntland, iyaga oo dajinaya istaraatiijiyad ku aadan qorshaha kala guurka ee dalka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa isbeddel dhab ah.
Sidoo kale, guddiga ayaa diyaarinaya ajendayaasha muhiimka ah ee shirkaas, maadaama ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay hannaanka doorashooyinka, Madaxweynuhuna uu Muqdisho ka qabtay doorasho ay weli banaanka ka joogaan xubnaha mucaaradka, madaxda Jubaland iyo Puntland.
Horay xubnahan ayaa shir ugu yeeshay magaalada Kismaayo ee Jubaland, kaas oo ay kasoo saareen bayaan culus oo ku aaddan xaaladda guud ee dalka, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoomta waqtigeeda, oo ah dhamaadka muddo xileedkiisa.
Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh oo jawaab culus siiyay xubnaha mucaaradka ayaa soo dhaweeyay gogosha ay ku baaqeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, balse ay dowladdu dib ka sheegi doonto goorta la wada-hadlayo.
“Qoladii ku shirtay magaalada Kismaayo wixii ay kasoo saareen halkaas wixii wanaagsan ee ku jira waa la qaadaneynaa, waana la hadleyna, waxaa kamid ahayd hala wada-hadlo, gogosha wey furan tahay, welinaa waa fidsan tahay kuwii horay uga qayb-galay waa soo dhaweyneynaa, kuwa kaloo rabana inay kusoo biiraan waan soo dhaweyneynaa dowladduna baaqaas jawaab ayay kasoo saareysaa mardhow” ayuu ku jawaabay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo adag, waxaana usii dheer xaalad bani’aanimado oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

