26.9 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

Xog iyo Gorfeyn: Xarig jiidka shirkii Kismaayo iyo heeb sooca madaxda dalka Soomaaliya.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Goobaha ay Bulshada Soomaalida wararka isku dhaafsadaan beryahan, waxaa hareereeyay in Madaxdi Soomaaliyeed ee Kismayo ku shirsanaa ay ku fashilmeen in ay isla meel dhigaan Talo ay ku mideysan yihiin, iyada oo weliba markan ay nasiib u heleen in gogosha madasha wada tashiga aynan goob joog ku ahayn wax shisheeya ah. cajiib

1-Midda ah ajabiga waa ka maqnaa gogosha wada tashiga, ma ahan mid dhab ah, waayo ajnabiga waxay ku lamaanan yihiin Quluubtooda ,caqligood iyo jawaaladooda( Mobile tel) xitaa haddii anan si ficil ah u fadhin gogosha.

2-Fashilka dowladnimo ee guud ahaan ku habsaday Soomaaliya , dhanka in laysku raaco talo wacan iyo nidaam ummaddan lagu hogaamiyo , ma ahan mid ku xiran Shakhsiyaadka na hogaamiyo dhaqankooda oo kaliya ,xitaa haddii ayaga xambaarsan yihiin dano shakhsiyadeed oo u gaar ah .

Fashilka runta ah ee dalkeena ku habsaday wuxuu ka jiraa in aan dooneyno isku dhax wadida ummuura aan isqaadi karin sida in aan rabno in aan waddankeena ku hogaamino nidaam federal ah ,dimoqaradi barlamaani ah oo iyaga laga soo min guuriyay dalal aynan dalalkooda ka jirin Qabiil Qabiil iyo isma qaadi karaan sida Soomaalida ugu dhegan tahay ama ugu abtirsato Qabiil. madaxda dalkan kama imaan meel ka baxsan dadkooda dhaxdooda oo iayagaba waxay aaminsan yihiin Qabiil ku dhaqan nalagu soo wada barbaarshay, si sahal ahna aan looga guuri Karin waqtigan xaadirka ah.

Dhab ka hadal ,Soomaali haddii aan nahay waa in aan la imaanaa labo mid, si aan uga gudubno , is jiidjiid aan dhamaad lahayn.

1-Aan la imaano nidaam uunan meel ka soo gelin Qabiil , taas waa mid.

2- Ama in aan ku dhiirano in aan wax ku qeybsano Qabiil qayaxan oo aan laysu hoosaasin.

3-Lagama yaabo in ay meel ka wada shaqeeyaan labadaas hore si kasto oo dhacdo, waxay arrinta u muuqaataa in aan ku habsaanay abuurista geed ma dhala ah 25ki sano oo u dambeysay.

Fiira Gaar ah. Fadhiga kismaayo, kuwi ka horeeyay iyo kan, waxa ishaayo waa laba koox oo mid doonayso in uu wax badan ku helo Degmo Qabiil , midka kalana doonayo in uu wax badan ku helo 4.5 oo iyada ah Qabiil wax lagu qeysado degmo la’aan.

Sheekadan soo dhaafimeyso jug jug,meeshaada joog, waxa laysku haayo oo laysla fahmi waayay waa qabiilkayga wax badan ha helo iyo Qabiilkayga wax badan ha helo , oo taa ay u dheer tahay iyada oo laga meermeersanayo in Qabiilki toos loo xuso inta wada hadalka lagu jiro.

Waxaa laysku haayo , ma ahan sidi loo dhisan lahaa nidaam(Dowlad) dadka oo dhan ku xeeriyo sharci aynan jirin cid ka sareyso oo ay hogaaminayso hal dowlad iyo hal mas’uul. Dowladaas ha ahaato fedeeral ama dowlad dhaxe ama dowlad leh qaab kale 18/01/2016

W/Q Abdallah Moallim Mahamud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News