Madaxweyne Shariif Xasan: Illaa dadka SOMALIA laga tirinaayo waxa aan 4.5 ahayn ma aqbalayo!!

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa difaacay aragtidiisa ah in nidaamka 4.5 lagu qeybsado awoodda dalka. Isagoo ka hadlaayay Xafladii Caleemo saarka guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee ka dhacday Magaalada Beydhabo ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay mar waliba taageersan yihiin in wax lagu qaybsado Nidaamka 4.5.

Shariif Xasan ayaa ku adkeystan inta dadka Soomaaliyeed laga tira koobayo, lagana tirinayo oo lagu sameeyo tirakoob rasmi ah ay qabaan in wax lagu qaybsado Hanaanka 4.5 oo Somalida inta badan xilalka Siyaasadeed ay ku qaybsadaan.

Waxa uu tilmaamay Shariif Xasan in shacabka Koonfur Galbeed ay yihiin kuwo nabadda jecel, ilaaliya wada deganaanshiyaha iyo is dhexgalka bulshada, sidaa darteedna ay doonayaan in illaa Soomaalida oo dhan laga tiriyo wax lagu qeybsado nidaamka beelaha si aysan u dhicin dad la qadiyo ama laga tago waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shacabka Koonfur Galbeed waa kuwo jecel nabadda, is dhexgalka, wada deganaanshiyaha iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed, hadaba annaga waxaan taageersannahay in illaa Soomaalida laga tiranayo aan laga gudbin nidaamka 4.5” ayuu yiri Shariif Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Londom
Caasimada@live.com