27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Xog: Guddiyada dowladda iyo mucaaradka oo heshiis ka gaaray qodobo xasaasi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdishio (Soomaaliya) – Guddiyada farsamada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa gaaray heshiis horudhac ah oo ku saabsan hannaanka iyo goobta uu ka dhacayo shirweynaha la filayo, iyagoo isku raacay in wadahadallada heerka sare ah lagu qabto gudaha xerada Xalane si loo xaliyo caqabadaha siyaasadeed ee jira.

Wadahadalladan oo ka socday magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii dhabbaha loogu xaari lahaa kulanka madaxda sare, waxaana qodobada ugu waaweyn ee la isku afgartay ka mid ah goobta shirka, amniga madaxda maamul-goboleedyada, iyo xal u helidda caqabadaha sharci ee taagan.

Wararka laga helayo kulammada ayaa sheegaya in la isku raacay in shirweynaha lagu qabto gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde (Xalane). Tallaabadan ayaa timid kaddib markii wakiillada Dowlad-Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay diideen in gogosha la dhigo Villa Somalia, iyagoo u arkay Xalane goob dhexdhexaad ah oo amnigeeda lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca amniga, dhinacyadu waxay xalliyeen cabashadii la xiriirtay ilaalada madaxda. Waxaa la isku raacay in sugidda amniga Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ay gaar u tahay ilaaladooda gaarka ah, balse ay wadashaqeyn iyo is-xogwaraysi joogto ah la yeelan doonaan saraakiisha Ciidamada Federaalka si looga fogaado isku-dhac ama jahwareer amni.

Si loo dhiso kalsoonida, guddiyada ayaa ka wada hadlay caqabadda ka dhalatay waarankii qabashada ee horay loogu jaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Xubnaha metelaya Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay in hay’adaha garsoorku ay farsamo ahaan gacanta ku hayaan hannaankii looga laaban lahaa go’aankaas, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Maxkamaddu ay ka caga-jiidayso tallaabadaas si aysan u dhaawacmin sumcadda garsoorka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu cadaadis ku saarayo in arrintan la soo afjaro.

Arrinta Dastuurka ayaa noqotay qodobka ugu adag ee doodda dhaliyay intii uu socday wadahadalka farsamo. Golaha Mustaqbalka ayaa walaac ka muujiyay wax ka beddelka dastuurka, halka kooxda Dowladda ee uu hoggaaminayo Wasiir Xasan Macallin ay soo jeediyeen in arrimaha masiiriga ah loo daayo madaxda sare si ay go’aan siyaasadeed uga gaaraan.

Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku waafaqay in arrimaha aan muranka ka taagnayn sida amniga guud, la dagaallanka argagixisada, iyo wax ka qabashada abaaraha lagu daro warmurtiyeedka shirka, maadaama ay yihiin mas’uuliyad qaran oo u baahan midnimo.

- Advertisement -

Read more

Local News