24.6 C
Mogadishu
Thursday, August 14, 2025

Xog: Guddiyada metalaya Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo maanta go’aan gaaraya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale lagu wadaa in maanta kulan kale ay yeeshaan guddiyada kala metalaya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa mucaaradka, kuwaas oo xalay shir xasaasi ah ka yeeshay dhammeystirka wada-hadallada labada dhinac.

Sida ogaatay Caasimada Online, guddigan oo ka kooban mid saddex xubnood ayaa mar kale isku imaadaano labada duhurnimo ee maanta, waxaana dhanka dowladda ka socda Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Jaamac, Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin iyo Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Gaani.

Dhanka mucaaradka, waxaa iyana ka socda guddoomiyihii hore baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo ah guddoomiye ku-xigeenka Madasha Samatabixinta, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

Ujeedka shirka loo ballansan yahay ee maanta ayaa ah in dhinacyadu ay go’aan kama dambeys ah ka gaaraan ajendaha shirka ay leeyihiin Madaxweyne Xasan iyo Madasha Samatabixinta oo markii 5-aad ka wada-hadli doono dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

Xubnaha ka socday dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in xalay ay la wadaageen xubnaha ka socday dhanka Mucaaradka qodobada ay xukuumaddu ka tanaasuli karto iyo mowqifka uga degsan qodobada qaar ee doorashada quseeya, kuwaas oo ku jira afarta cutub ee dastuurka oo mucaaradku ay dood adag ka qabaan.

Sida ay sheegayaan wararka laga helay kulankaas, xubnaha mucaaradka ayaa isku aragti ka noqon waayay qorshaha kama-dambeysta ah ee ajendaha shirka ay la yeelan doonaan Madaxweyne Xasan oo horay loo iclaamiyay maanta oo Arbaco, balse ay soo kordheen culeysaad horleh iyo doodo ka yimid dhanka mucaaradka, taas oo dib u dhigi karta shirka.

Sidoo kale, xubnaha metelaya Dowladda Federaalka ayaa intii kulanku socday soo jeediyey in waqti kale la siiyo oo la isku soo laabto, iyadoo dib loo dhigayo shirka berri oo ballan kale uu qabanayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hase yeeshee, ragga kale ee mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee madasha iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in wada-hadalladu ay noqon doonaan  maalinkii ugu dambeeyay, oo aysan jiri karin fursad kale oo la siinayo Madaxweyne Xasan.

Mucaaradka ayaa weli dood xooggan ka qaba qodobada qaar, gaar ahana cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday in uu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leex leexad laheyn.

Si kastaba, waxaa mucaaradka kasii careysiiyay tallaabo kale oo uu shalay qaaday Madaxweynaha, kadib markii isku diiwaangeliyay doorashooyinka qof iyo codka ah, isaga oo tegay degmada Warta Nabadda, kadibna ka qaatay shahaadda guddiga doorashada.

- Advertisement -

Read more

Local News