XOG: Habar-Gidir oo ku gacan seertay wasiirkii uu u qoondeeyey Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Habar-Gidir, ayaa ku gacan seeray qorshe cusub oo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu ka damacsan yahay golaha wasiirada cusub ee dhowaan la dhisi doono, sida ay ilo-xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online.

Madaxweynaha, ayaa u sheegay Habar-Gidir in la siin doono wasiiradda arrimaha gudaha, balse ay sidoo kale jiri doonto wasaaradda Amniga Qaranka oo iyana la sameyn doono, taasi oo ay diidmo ka muujiyeen.

Xubno ka tirsan beeshaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in kullan ay beesha dhowaan la yeelatay madaxweynaha uu ku dhammaaday natiijo la’aan, ayada oo Habar-Gidir ay diiday qorshaha Xasan Sheekh.

Waxa ay u sheegeen madaxweynaha inaysan dhib ku qabin inay sii hayaan wasaaradda arrimaha gudaha, balse aysan aqbali karin in wasaarad kale laga doc sameeyo, taasi oo jahwareer siyaasadeed abuuri karta.

Waxa ay madaxweynaha ka dalbadeen inuu sameeyo laba arrin midkood oo ah in wasaaradda arrimaha gudaha kaliya ay jirto, ama labada wasaaradood ee arrimaha gudaha iyo amniga qaranka la isku qabto.

Dhismaha wasaaradda amniga qaranka oo horey uga jirtay dowladihii KMG ahaa, ayaa ka dhigeysa in howlo badan oo ay lahayd wasaaradda arrimaha gudaha sida maamulka ciidamada booliska iyo nabad sugidda ay u wareegi doonaan amniga qaranka.

Siyaasiyiinta Habar-Gidir ayaa ku dooday in tani macnaheedu uu yahay in beesha lagu koobay oo kaliya nus wasaarad, taasi oo aan u qalmin, sida ay hadalka u dhigeen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xukuumadda cusub ee dhowaan lasoo dhisi doono, ayaa waxa ay ka koobnaan doonta 25 wasaaradood, ayada oo dhowr wasaaradooda oo horey isu dul saarnaa la kala qaad qaadi doono, si beelo badan loogu qanciyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com