XASAN SH oo safar deg deg ah aaday

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa galabta u ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo uu uga qaybgali doono shirka hoggaamiyaasha IGAD oo looga hadlaayo dagaalka ka socda dalka Koonfur-Sudan.

Afhayeenka madaxweynaha, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha uu ka mid yahay madax ka tirsan urur-goboleedka IGAD oo codsatay in shir degdeg ah laga yeesho collaada ka aloosan Koonfur-Sudan, kaasoo ka dhacay Nairobi.

Eng Yariisow ayaa xusay in madaxweynaha inta uu joogo Kenya uu kulamo goonni goonni ah la qaadan doono madaxda IGAD.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu hoggaamiyaasha gobalka uu kala hadli doono siddii loo badbaadin lahaa Soomaalida ku nool dalkaas.

Dhinaca kale, magaalada Juba waxaa maanta gaaray madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta iyo ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxaana ay kulamo la qaateen madaxweynaha Koonfurta Sudan Silver Kirr.

Madaxda gobalka ayaa doonaya in ay qaboojiyaan colaada ka taagan dalkaas, oo dad badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com