DAGAALLO culus oo caawa ka dhacay Sh/oose iyo warar kale oo dheeri ah

Afgooye (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya deeganka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas gallinkii dambe uu ka dhacay dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hub culus.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay xaafadda Arbacow oo hoos-tagta deeganka Ceelasha Biyaha, ma cadda khasaaraha ka dhashay iyo siddoo kale cidda uu u dhexeeyo.

Xaaladda deeganka ayaa caawa kacsan waxaa weli la maqlayaa daryanka rasaasta sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dhinaca kale, kooxo hubeysan ayaa bambo gacmeed ku weeraray caawa saldhigga booliska ee magaalada Marka xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Weeerarka ayaa la sheegay in uu geestay khasaaro balse si dhab ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay.

Weerarka kaddib ciidamada ammaanka ayaa howgallo ka billaabay agagaarka saldhigga booliska magaalada Marka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com