DHAGEYSO: SAACID oo wereysi cusub uga hadlay arrimo aan horey loo ogeyn

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid Shirdoon ayaa wareysi uu siiyay VOA wax yer uun kaddib markii uu wareejiyay xilka ra’iisal wasaaranimo wuxuu uga hadlay arrimo badan.

Saacid ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay wax yaabaha uu qabtay muddada xilka uu hayay oo ahayd 15-bilood, wuxuu tilmaamay oo kale in meel fiican uu soo gaarsiiyay Soomaaliya.

Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya ayaa tilaamay in aqoonsiga beesha caalamka ay siisay dowladda Soomaaliya ay ku timid markii la arkay wax qabadka hey’adda dowladda sida tii fullinta oo uu isaga madax u ahaa.

379729_482703938516963_1494474582_n

Wuxuu sheegay in saacad iyo xilli kasta inta uu joogay xafiiska uu ka fikiri jiray siddii uu u qaban lahaa wax wanaagsan sida uu yiri.

Waxaa la weydiiyay in ay jireen wax faragallin ah oo lagu sameeyay shaqadiisa inta uu xafiiska joogay, wuxuu ku celceliyay in wax kasta oo lagu sameeyay uusan dib u gocaneynin isla markaana uu u soo diyaar garoobay shaqo adag oo daruuf ay ku heeran tahay.

Ra’iisal wasaarihii horre ayaa la weydiiyay bal mustaqbalkiisa iyo wax yaabaha u qorsheesan mar haddii uu xafiiska baneeyay, wuxuu sheegay in sii wadi doono ka shaqeenta siddii Soomaaliya ay horrumar u gaari lahayd.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com