Warmurtiyeed ka soo baxay shir deg deg ah oo looga hadlaayay K/Sudan

Nairobi (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in shir degdeg ah oo ay yeesheen hoggaamiyaasha IGAD oo looga hadlay dagaalada ka socda dalka Koonfurta Sudan in laga soo saaray war-murtiyeed.

Wariyaha Caasimada Online ee Nairobi oo ku sugan xarunta madaxtooyada Kenya ee Harambi House ayaa sheegay in shan qoddobo laga soo saaray shirka maanta ay yeesheen madaxda waddamada IGAD.

Qoddobada ku qoran war-murtiyeedka waxaa ka mid ah:-

1-In dagaallada la joojiyo si shuruud la’aan ah.

2-In xafiiska IGAD uu xiir joogto ah la sameeyo dhinacyada ku dagaalamaya dalka Koonfurta Sudan.

3- In wada-hadal la dhex dhigo madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii horre Riek Machar iyo haweeneydii uu ka dhintay hoggaamihii horre John Garang ee Rebecca Garang.

4-In dagaalada aysan noqon kuwa qabiil la isku laayo oo aysan ka bixin in siyaasad la isku hayo.

5- In dhinacyada dagaalamaya ay ilaaliyaan sharciyada u yaalla dagaalada isla markaana aysan dileen, dadka rayidka, shaqaalaha hey’addaha gargaarka iyo ciidamada nabad ilaalinta.

Shirka waxaa guddoominayay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo hadda ninka haya xilka IGAD, waxaana isaga iyo ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ay booqdeen magaalada Juba halkaasoo ay kula kulmeen madaxweyne Salva Kiir.

Shirka waxaa kaloo ka qaygalay madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Jabuuti iyo hoggaamiyaal ka socda waddamada Uganda, Burudi iyo Ethiopia.

Dagaalka Koonfurta Sudan oo socda muddo 12-cisho waxaa ku dhimmitay in ka badan 1000 qof, tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com