Xog: Halka ay ku dambeysay magacaabista R/Wasaaraha cusub iyo waxa u qorsheysan madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa dhammaad ku dhow waqtiga 30-ka maalmood ah ee uu madaxweyne Farmaajo siinayo dastuurka si uu usoo magacaabo ra’iisul wasaaraha dalka, balse illaa hadda ma muuqato in lagu soo magacaabi doono mudaddaas.

Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan magacaabdida ay ku qaadatay muddo 28 cisho ah ayaa laga yaabaa inuu baarlamanka weydiisto waqti dheer ah, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha ayaa qorsheynaya inuu ra’iisul wasaaraha magacaabo marka heshiis buuxa laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka. Inkasta oo heshiis lagu soo gaaray shirkii Dhuusamareeb 3, haddana waxaa weli heshiiskaas qeyb ka ahayn Puntland iyo Jubaland.

Ma cadda sababta uu madaxweynaha magacaabista ra’iisul wasaaraha ula sugayo arrimaha doorashooyinka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay tahay isku day uu ku xaqiijinayo in ra’iisul wasaaraha cusub aanu wax kaalin ah ku yeelan go’aan ka gaarista arrimaha doorashooyinka.

Sababta ayaa lagu sheegay kadib markii ra’iisul wasaare Kheyre si cad uga horyimid madaxweynaha, taasi oo keentay in xilka laga qaado. Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka imanaya beesha Hawiye, ayaan la ogeyn mowqifka uu qaadan doono, taasi oo madaxweynaha ku qasabtay inuu dib u dhigo magacaabista, sida aan xogta ku helnay.

Arrintan ayaa waxaa horey walaac uga muujiyey maamullada Puntland iyo Jubaland, oo sababaha ay ku diideen shirka Dhuusamareeb 3, ay mid ka mid ah ahayd inaan weli la magacaabin ra’iisul wasaaraha cusub.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa ah qof aan la saadaalin karin, waxaana suurta-gal ah inuu ra’iisul wasaaraha cusub magacaabo xilli dhow, haddii ay muuqato in xalka muranka doorashooyinka aanu dhoweyn.