25.3 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Halkee Gaafow loo magacaabi doonaa haddii xilka laga qaado?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in gudaha Bishaani xilka laga qaadi doono Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia General C/laahi Gaafow.

Wararku waxa ay sheegayaan in Gaafow mar kale loo magacaabi doono Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre ayaa isla gartay in Gaafow dib loogu celiyo xilkiisa hore, maadaama uusan kasoo bixikarin Hay’adda Sirdoonka NISA.

Warar soo baxaaya ayaa sidoo kale sheegaya inay soo baxday warqada lagu magacaabi lahaa Gaafow oo noqon doona Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Gaafow ayaa la rumeysan yahay inuu ku fashilmay xilka Nabadsugida waxaana loo sababeeyay aqoon yari ka heysata dhanka Howlaha Nabadsugida.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ku guda jira xil ka qaadis iyo magacaabid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News