Wararkii ugu dambeeyey Doorashada Galmudug iyo Khilaafka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa  socdo dadaalo is khilaafsan oo ku aadan Doorashada Galmudug kadib markii ay soo baxeyn shaqsiyaad koox koox isugu xiran oo ay qaarkooda doonayaan in dib loo dhigo doorashada Galmudug, halka qaarka kalana ay doonayaan inay dhacdo waqtigii ay guddiga doorashada ku dhawaaqeyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqeeneyso sidii doorashada dib loogu dhigi lahaa si loo qabto doorasho ay u dhan yihiin dhammaan qeybaha Mudug iyo Galgaduud, muhiimada ugu weyna waa in Ahlu Sunna laga qeybgeliyo doorashadaas.

Ahlu Sunna ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay codsaneyso in dib loo dhigo doorashada si looga wada tashto aayaha Gobolada dhexe maadaama ay dhawaan dhistay maamul loogu magac daray Gobolada dhexe.

Guddiga doorashada Galmudug iyo qaar badan oo ka tirsan Xildhibaanada ayaa doonayo inaysan doorashada dib u dhicin lana qabto waqtigeeda, taasoo ay ku sheegeen inay tahay arrin aanan sinaba looga baaqan karin.

Guddiga ayaa horey u sheegay inay doorashada dhici doonto 10 April iyadoo ay isdaawaan geliyeen musharixiin badan oo u taagan xilkaas, waxaana hadda muuqato saan saan ah inaysan doorashada dib uga dhicin waqtiga loo qorsheeyey.

Dhanka kale waxaa jiro kulan maanta Magaalad Muqdisho ku dhex maray Abshir Bukhaari oo ah ku xigeynka koowaad ee aqalka sare iyo Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud, waxaana halkaas lagu lafa guray arrimaha ku aadan Galmudug iyo doorashada.

Dhawaan ayey aheyd markii uu dib u dhacay safarkii uu Wasiirka Arrimaha gudaha Juxa ku tagi lahaa Magaalada Cadaado, taasoo loo maleenayo inay sabab u tahay Khilaafka dowladda iyo Galmudug oo sii xoogeystay.

Dowladda Soomaaliya waxay dhexda usoo xiratay sidii doorashada dib loogu dhigi lahaa, halka Guddiga doorashada ay wacad ku mareyn inaysan dib uga dhici doonin waqtigii loo asteeyey, waxaana la ogeyn labadaan dadaal midka shaqeyn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com