Kenya oo ka baxday heshiiskii ay la gashay Farmaajo iyo diyaarad ka duushay Muqdisho oo laga dajiyay Wajeer

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dowlada Kenya ay dib uga laabatay Heshiiskii ay dhawaan magaalada Nairobi kula gashay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Wararku waxa ay sheegayaan in diyaarad rakaab oo goordhow ka duushay magaalada Muqdisho lagu amray inay dib ugu laabato magaalada Muqdisho ay marto Wajeer.

Duuliyaha diyaarada ayaa la sheegay in lagu amray in diyaarada uu ka dajiyo Garoonka Wajeer, isagoo lagu wargaliyay in rakaabka lagu baari doono Wajeer.

Ciidamo dhar cad oo ka howlgala Garoonka Wajeer, ayaa la sheegay in durba ay kusoo xoomeen diyaarada isla markaana ay baaritaan mariyeen rakaabka Diyaarada la socday iyo guud ahaan Diyaarada intuba.

Maareeyaha guud ee Garoonka Wajeer ayaa la sheegay inuu lahaa sababta lagu dajiyay Diyaarada, waxa uuna sidoo kale Kabtanka Diyaarada ku wargaliyay in Diyaarada wixii maanta ka danbeeya ay soo mari doonto Wajeer.

Wararka qaar ayaa sheegaya in go’aanka diyaarada lagu mariyay Wajeer ay tahay mid sabab u ah Cilad, waxaana la soo warinayaa in duulimaadka Diyaaradaha Muqdisho ay usii gudbi karaan Nairobi, walow aan la ogeyn xaqiiqda.

Tallaabadaani ayaa muujineysa inaanu waxba iska badalin heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee Duulimaadka tooska ah Nairobi iyo Muqdisho, kaasi oo ay dhowaan kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com