25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog: Harriet oo maqnaashaha Xasan ka faa’iiday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dalka Britain u fadhiya Somalia Ms Harriet Mathews, ayaa xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ku qaabishay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid iyo Harriet Mathews, ayaa kawada hadlay xaalada guud ee Somalia, Amniga, Doorashooyinka iyo dhaqangalinta nidaamka ay isla garteen DFS iyo Beesha Caalamka.

Ra’isul wasaare Sharmaarke waxa uu sheegay in marka hore uu mahad u jeedinaayo saaxiibada caalamka, waxa uuna Harriet Mathews sharaxaad ka siiyay dhibta Dowlada xiligaani ka heysta kala guurka.

Sharmaarke waxa uu sheegay in Dowladu ay ka go’an tahay inay hirgaliso doorashada laga sugaayo wakhtigeeda, waxa uuna Harriet Mathews u cadeeyay in barnaamijka 4.5 ee iminka mar kale laga qaatay Somalia uu yahay mid uu wato madaxweynaha dalka kuna qasban yihiin inay taageeran, isaga oo intaa raaciyay in Beesha caalamku ay qudhoodi wanaag u arkaan in nidaamkaasi la qaato.

Waxa uu sharmaarke sheegay in macquul tahay in Somalia ay guusha ugu jirto aqbalida nidaamkaasi, sidoo kalane ay suuragal tahay in lagu fashilmo bacdamaa maamulada qaar aysan aqabalin nidaamkaasi.

Sharmaarke waxa uu Harriet Mathews u sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan aaminsaneyn in 4.5 xal lagu gaari karo, balse ay ku qasban yihiin in mar waliba ay ku feelaan madaxweynaha taasina waxa uu sheegay inay tahay dhabaha lagu gaari lahaa horumarka.

Harriet Mathews, ayaa soo dhaweysay hadalka Sharmaarke, balse waxa ay sheegtay in Dowlada Somalia looga baahan yahay in mowqifkeeda ay mideyso waxa ayna sidoo kale kula talisay in wakhtiga doorashada la dhooro.

Dhanka kale, Harriet Mathews ayaa ballanqaaday in Britain ay inta karaankeeda ah ka qeybqaadan doonto xal u helida amniga iyo doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News