Xog: Haweeney damacsan inay is qarxiso oo soo gashay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in magaalada Muqdisho ay ku jirto Haweeney damacsan inay qarax is-miidaamin ah ay soo gashay magaalada Muqdisho.

Gacanada ay kuwada xiriiraan Ciidamada Booliiska Soomaaliya (Isgaarsiinta Booliiska) ayaa xalay laga shaaciyay digniin ku aadan haweeneydan. Saraakiisha ayaa sheegay in gaari nuuca raaxada ah ay wadato qofkaan dumarka ah islamarkaana dooneyso in ay weerarkeeda la beegsato Difaacyada Madaxtooyada Soomaaliya ama Xarunta Dowladda Hoose ee gobalka Banaador.

Waxaa sidoo kale macquul ah in haweeneydan aysan adeegsan baabuur, balse ay isku qarxiso jaakadaha qarxa ee la xirto, ayada oo gudaha u galayso xarumaha ay damacsan tahay.

Cabsida jirta ayaa ah in maadaama inta badan haweenka aan si wanaagsan loo baarin ay gabadhan ka faa’iideysato, ama xubno ka tirsan dowladda ay sahlaan in lasii daayo.

Waxaa inta badan la fasaxay shaqaalaha aan baahida joogtada ah loo qaban ee ka tirsan Xarunta Dowladda Hoose, iyadoo sidoo kale aad loo adkeeyay amaanka Xarumaha Dowladda gaar ahaan Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, oo la rumeysan yahay inay tahay bartilmaameedka ugu sahlan ee haweeneydan ay beegsan karto.

Ma jirto cid si rasmi u xaqiijin karta arintaan balse waxaa jirta Qaraxyo sidaan oo kale ay Booliiska Soomaaliya uga digeyn balse markii dambe ka dhacay goobihii laga digay.

Digniintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo shalay qarax xoog leh uu ka dhacay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana qaraxaasi ku dhintay ku dhawaad 20 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com