40 cisho kadib askarigii lagu dilay Xamar Wayne oo lagu aasay amarka FARMAAJO lagana qariyey qoyskiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu aasay Meydka Askari katirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoobar kaas oo lagu dilay Suuqa degmada Xamar weyne ee Gobalka Banaadir.

Askarigaan iyo qof kale oo shacab ah ayaa dhintay dhamaadka Bishii Ramadaan kadib shaqaaqo ka dhacday Suuqa degmada Xamar weyne ee Gobalka Banaadir, taas oo u dhaxeysay Ciidamo Booliis ah iyo Askar uu katirsanaa marxuumka dhintay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishuu Juun Guddi u saaray arintaan waxaana muuqata in ay socon waysay oo ay lugaha la gashay xubno sar sare oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Muddo ka badan 40 cisho ayuu Marxuumka ku jiray Finijeer laga leeyahay Isbitaalka Digfeer waxaana ku socotay lacag.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkaan amray in Marxuumka la duugo waxaana la aasay iyadoo aysan ka war qabin qoyskiisa iyo dhamaan qaraabadiisa.

Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya oo isugu jira Booliis iyo Milateri ayaa shaqadaan qabtay waxaana lacagta kirida Finijeerka bixiyay Dowladda iyadoo ay dib u soo cusboonaatay arintaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waqti badan geliyay sidii arrintaan loo damin lahaa balse waxaa ku dhagan Saraakiil uu kamid yahay Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliya Jeneral Odawaa Yuusuf  Raage iyo mas’uuliyiin kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com