Xog: Musharaxiintii isbeddel doonka oo wax aysan fileyn kala kulmay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jaanis fiican ka helay musharixiintii isbadal doonka aheyd xilligii uu guusha weyneyd ka gaarayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Haddaba waxaa la filayey inuu Farmaajo si fiican u qanci doono abaalkoodana uu gudi doono musharixiintii isbadal doonka aheyd ee garabka weyn siiyey intii uu ku jiray ololaha doorashada.

Warar ay heshay caasimadda Online ayaa muujinayo inuu Farmaajo wajiga u badalay qaar badan oo ka tirsan musharixintaas kuwaas oo rajeenayey inuu Farmaajo abaalkooda gudi doono balse taas badalkeeda albaabada ayuu ka xirtay.

Musharixiintaan oo markii hore aaminsanaa inaysan Farmaajo wax isla weyn doonin ayaa hadda muujinayo walaac ku saabsan inuu Farmaajo siyaasadda u badalay waxayna arrintaas ku tilmaameyn inay tahay mid aan wanaagsaneyn.

Musharixiintaan ayaa sheegayo inuu Farmaajo waji wanaagsan u muujiyey kaliya maalintii xigtay doorashadiisa markaas oo ay kulan weyn ku qaateen Hotel Jazeera.

Midda keentay inuu Farmaajo albaabada ka xirto musharixiintaan gaarayo ilaa 20 ayaa lagu sheegay inay tahay maadaama uu mid kasta doonayo wasiir taasna aysan hadda macquul ka aheyn Madaxweyne Farmaajo.

Dad badan ayaa aaminsan inuusan Farmaajo kursiga madaxweynimo heli laheyn haddii uusan taagero ka heli laheyn musharixiintaas oo markii horeba ku ballamay inuusan Xasan Shiikh dib ugu soo laaban kursiga.

Arrinta ugu weyneyd ee keentay Inuu Xasan Shiikh Maxamuud waayo taageerada siyaasiyiinta ayaa aheyd inuusan wax xiriir fiican la laheyn sidoo kalana uu qaarkood ballanta ku furay, waxaana laga cabsi wabaa inay midaas camal ku dhacdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com