Addis Ababa (Caasimada Online) – Kulan magaalada Addis Ababa ku yeesheen wakiilo ka socday wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa laga soo saaray fariin ku socotay madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiinta dowlada Federraalka Soomaaliya.
Fariinta urur goboleedka IGAD ee madaxda Soomaaliyed ayaa ahedy iney si dhaqsi ah ku dhisaan maamulka Hiiraan iyo Shalaha Dhexe, maadaama waqtiga dowlada Xasan Sheikh waqtiga uu ka dhacayo bilooyin kooban ay ka harsan tahay.
IGAD ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ku guuleysatay dhismaha maamul goboleedyada dalka qaarkood sidaas si lamid ah looga baahan yahay iney si dhaqsi ah ku dhisto maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Fariinta IGAD ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada looga baahan yahay iney qanciso beelihii ka carooday shirka bishii Janaayo ka furmay magaalada Jowhar, kuwaasi oo saluugsan qaabka wasiir Odowaa iyo Mahad Maxamed Salaad u doonayaan dhismaha maamulkaasi.
IGAD dhankeeda waxay sheegeen iney taageerayaan dowlada Soomaaliya si loo dhameeyo dhismaha maamul goboleedyada dalka ka hor bisha Agoosto ee sanadkaan.
Caasimada Online
Xafiiska Ethiopia
[email protected]