XOG: Ilaha musuq-maasuqa ee uu dhaqaalaha ka soo galo Xasan Sheekh + Magacyada dallaalada

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan qotodheer oo ay sameysay Caasimadda.com ayay ku soo ogaatay ilaha musuqmaasuqa baahsan ee dhaqaalaha uu ka soo galo xafiiska madaxtooyada Xasan Shiikh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa wuxuu raali ku yahay wixii la boobayo, wuxuuna toos amar u siiyaa kooxaha ilaha dhaqaalaha jooga sida dekeda iyo garoonka diyaaradaha inay lacagaha canshuuraha ay qaadaan iyo wixii kale ee ay helaan ay ku soo shubaan madaxtooyada.

1. Maareeyaha dekedda C/llaahi Cali Nuur. Ugu yaraan lacag laba milyan ah ayuu bil walba u shubaa madaxtooyada, lacagta badankeed waxaa lagu wareejiyaa qasnadda,, waxaana loo isticmaalaa safarrada dibadda iyo howlmaalmeedka madaxtooyada, sida shiidaalka iyo raashinka.

2. Maareeye ku xigeenka labaad ee dekedda Axmed Qoorqoor. Wuxuu qaabilsan yahay leexinta deeqaha ka yimaada dibada ee la keeno dekedda, wuxuuna ka qaataa qaybtiisa, kadibna wixii soo hara wuxuu geeyaa madaxtooyada. Wuxuu lacagta uu boobay ka dhistay hotel weyn oo ku yaalla Cadaado, wuxuuna hoteelkiisu saldhig u yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

3. Maareeyaha garoonka Muqdisho Axmed Ibraahim Iimaan. Lacagaha ka soo xarooda garoonka wixii uu u reebto jeebkiisa iyo shaqaalaha garoonka, inta ka soo hartay waxaa lagu shubaa account-ka madaxtooyada.

4. Taliyaha Waaxda Socdaalka C/laahi Gaafoow. Socdaalku waa meesha labaad ee ugu dhaqaalaha badan dowladda, marka laga reebo dekedda. Gaafoow wuxuu howshii socdaalka ka dhigay ganacsi. Bishii waxaa soo gasha kharash aan la tira koobi karin. Wuxuu si sharci darro ah baasaboorka Soomaaliga ku siiyaa maafiyo caalami ah oo deggan Keenya, waxaana bishii soo gasha saddex milyan oo dollar. Laba milyan ma ahane inta kale wuxuu geeyaa madaxtooyada.

5. Taliyaha hay’adda Sirdoonka C/raxmaan Tuuryare. Laga soo billaabo bishii Juun, ciidanka sirdoonku ma qaadan wax mushaar ah. Mushaarkii bilaha Juun iyo Luulyo waxaa loo weeciyey doorashadii Cabdikariin Xuseen Guuleed, lacagta uu doorashada ku helay qayb ka mid ah waxay ahayd mushaarkii ciidanka sirdoonka. Bilhii Agoosto, Siteembar iyo Oktoobar waxaa lagu shubay madaxtooyada.

6. Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur. Xaashi waa ninka ugu laaluush qaadashada badan Muqdisho. Maalintii waxaa soo gasha kharash gaaraya 10 kun oo dollar oo uu ka qaato dad isku dacweynaha guryo iyo dhulal. Wuxuu gacanta ku hayaa hal milyan oo kays oo dacwado ah. Bishii waxaa soo gasha isku cel celis 250 kun oo dollar. Laaluushkaas wixii uu ka helo wuxuu wax ka siiyaa qoyska madaxweynaha, si uu jagadiisa u sii haysto.

7. Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir Xasan Muungaab. Wuxuu hayaa sir iyo xog badan oo ah musuqmaasuqa iyo laaluushka Xasan Sheekh Maxamuud, Damuljadiid iyo qoyska madaxweynaha. Wixii dhul ah ee loogu talogalay Xasan Sheekh wuxuu ku wareejiyey Cali Sheekh oo la dhashay. Wuxuu sidoo kale bolookyo waaweyn oo ku yaalla duleedka Muqdisho u xiray Cabdikariin Guuleed iyo Faarax C/qaadir.

Lacagta ay dhamaan kiishashka ku qaadaan nimankaan kor ku xusan ee ay geeyaan madaxtooyada ayaa waxaa ka qabta Agaasimaha Madaxtooyada Cali Cumar “Cali Balcad” oo isagu commission-kiisa ka qaata, kaddibna u xawisha qoyskiisa oo ku nool North Carolina. Cali Balcad ayaa ka hor intuusan gelin musuqmaasuqa wuxuu ahaan jiray nin ka shaqeeya masaajid ku yaalla Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com