25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xog: Imaaraadka Carabta oo billaabay qorshe sir ah oo laba dal loogu kala qeybinayo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si dhab ah u wadda qorshe qarsoodi ah oo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Suudaan, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed oo Carbeed iyo kuwa Reer Galbeed ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa laba sano kaddib markii Abu Dhabi lagu eedeeyay inay hurisay dagaalka sokeeye ee arxan-darrada ah ee ka socda dalkaas, kaasoo horseeday fowdo iyo dhibaatadii barakaca ee ugu ballaarnayd adduunka.

Istaraatiijiyaddan ayaa la mid ah xeeladihii uu Imaaraadku horey ugu adeegsaday colaadaha kale ee gobolka, sida Yemen iyo Liibiya, halkaas oo uu uga faa’iideystay khilaafaadka gudaha si uu saameyn ugu yeesho dhulal qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah.

Sida ay ilo-wareedyadu xaqiijinayaan, taageerada ballaaran ee milateri iyo midda dhaqaale ee Imaaraadku siiyo maleeshiyada Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) ayaa sii socota iyadoo aan waxba laga dhimin, inkastoo ay la kulantay cambaareyn caalami ah.

Kaddib markii Ciidanka Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), oo uu hoggaamiyo General Cabdifataax al-Burhan, ay dib ula wareegeen goobo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Khartuum iyo deegaanno kale oo istaraatiiji ah, loollankii milateri ayaa dhinac u batay, ayadoo ay guuldarrooyin asiibeen ciidanka RSF iyo taliyahooda, Maxamed Xamdaan Dagalo, oo loo yaqaan “Xameti.”

Si ay uga jawaabaan guul-darrooyinkaas ka soo gaaray goobaha dagaalka, qorsheeyayaasha Imaaraadka ayaa la sheegay inay u weecdeen “Qorshe B”: kaasoo ah in la abuuro dowlad gooni u goosad ah oo ka dhalata dhulalka ay hadda maamulaan ciidanka RSF.

Maamul noocan oo kale ah wuxuu Imaaraadka u dammaanad qaadi lahaa inuu helo wakiil daacad u ah oo ku yaal Geeska Afrika, isla markaana uu sii wato fursadda gaarka ah ee uu ku helo kheyraadka dahabka ee ballaaran ee Suudaan, dhul-beereedka hodanka ah, iyo marinnada ganacsiga ee muhiimka ah ee Badda Cas.

Caddaymaha muujinaya istaraatiijiyaddan ayaa durba soo baxaya. Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa kashifay in Imaaraadku uu dhowaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku fududeeyay kulan dhex maray hoggaamiyeyaasha RSF iyo kooxo qabiil iyo kuwa siyaasadeed oo xulufo la ah.

Ajendaha ugu weyn ee kulankaas wuxuu ahaa in la soo gabagabeeyo heshiis siyaasadeed oo lagu dhisayo dowlad cusub oo gooni u goosad ah, taasoo si dhab ah u dhigaysa aasaaska kala-qaybinta rasmiga ah.

Xabad-joojin fashilantay iyo gabood-fallo sii kordhaya

Sida la sheegay, riixitaanka qorshaha kala-qaybinta ayaa dardar galay kaddib markii uu fashilmay isku-day diblomaasiyadeed oo dhowaan la sameeyay. Imaaraadku wuxuu General al-Burhan u soo jeediyay xabad-joojin bisha Ramadaan, balse wuu diiday, isagoo ku adkeystay in ciidanka RSF ay si shuruud la’aan ah isu soo dhiibaan.

Sida ay sheegeen saraakiil Suudaaniyiin ah iyo kuwa gobolka, diidmadaasi waxay ahayd arrin wax weyn ka beddeshay xaaladda, taasoo ku kalliftay Abu Dhabi inay dardar-geliso qorshaheedii ahaa in Xameti laga dhigo hoggaamiyaha maamul-goboleed yar oo cusub oo laga dhiso galbeedka iyo koonfurta Suudaan.

Dhanka kale, ololaha rabshadaha wata ee ay ciidanka RSF ku hayaan dadka rayidka ah ayaa sii socda. Xilli ay hoggaamiyeyaashoodu ku kulansanaayeen Kenya, dagaalyahannada RSF ayaa lagu eedeeyay inay in ka badan 200 oo qof, oo ay ku jiraan carruur, ku xasuuqeen Gobolka Niilka Cad.

Goobjoogeyaal iyo qareenno u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dad rayid ah la laayay xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan Webiga Niil, iyadoo muuqaallo argagax leh ay muujinayeen xabaal-wadareedyo ay ka buuxaan dhibbanayaal lagu duubay marooyin cadcad.

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu eedeysay ciidanka RSF ee uu Imaaraadku taageero inay geysteen dambi ah xasuuq qowmiyadeed (genocide). Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa isna ku tilmaamay colaaddan “masiibo baaxaddeedu iyo naxariis-darradeedu aysan hore u dhicin.”

Xeelad gobolka lagu kala qaybinayo oo soo noqnoqotay

Falanqeeyayaashu waxay ku doodayaan in kala-qaybinta Suudaan ay la jaanqaadayso himilooyinka siyaasadda arrimaha dibedda ee Imaaraadka. Hab-dhaqankan waxaa ka mid ah:

  • Yemen: Taageeridda xoogagga gooni-u-goosadka koonfureed si ay u maamulaan dekedaha istaraatiijiga ah iyo kaabayaasha shidaalka.
  • Liibiya: Awood-siinta hoggaamiye-kooxeedka bariga, Khalifa Haftar, si uu gacanta ugu dhigo saldhigyada cirka iyo xarumaha tamarta ee muhiimka ah.

Istaraatiijiyaddan kala-qaybinta ahi waxay Abu Dhabi u suurtagelinaysaa inay maamusho marinnada ganacsiga ee muhiimka ah, hesho kheyraadka nolosha u ah, ayna abuurto maamullo siyaasadeed oo daacad u ah oo ku fidsan Afrika iyo Bariga Dhexe.

Dagaalka Suudaan, oo qarxay bishii Abriil 2023 kaddib burburkii heshiis awood-qaybsi, wuxuu dilay tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay in ka badan 11 milyan oo kale. Cameron Hudson, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiyadda iyo Caalamiga ah (Center for Strategic and International Studies), ayaa ka digay cawaaqibka halista ah ee ka dhalan kara tallaabadan ugu dambeysay ee Imaaraadka.

“Ciidanka RSF waxay isku dayayaan inay miiska wada-hadalka ka helaan wax ay ku guul-darreysteen inay kaga guuleystaan goobta dagaalka,” ayuu yiri Hudson, “iyadoo Imaaraadkuna yahay gacan-siiyaha ugu weyn ee arrintan suuragelinaya.” 

- Advertisement -

Read more

Local News