24.6 C
Mogadishu
Wednesday, August 27, 2025

Xog: Imaaraadka Carabta oo dhaqaajiyey heshiis ay aqoonsi ku heli karto Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhex-dhexaadinaysa qorshe muran badan dhaliyey oo boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah si qasab ah looga soo rarayo marinka Gaza ee dagaalladu la degeen si dib-u-dejin loogu sameeyo jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Warbixintan, oo ay daabacday hay’adda baaritaannada ee “Dark Box,” ayaa sheegaysa in qorshahani uu ka faa’iideysanayo masiibada bini’aadannimo ee ka taagan Gaza si loogu helo aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland muddo dheer raadinaysay, iyadoo isla markaasna la horumarinayo danaha istiraatiijiyadeed ee Imaaraadka, Israel, iyo Mareykanka ee Geeska Afrika.

Warbixinta, oo soo xiganaysa dokumiintiyo gudaha ah, ayaa sheegaysa in shirkadda la-talinta ee Boston Consulting Group (BCG) ay samaysay daraasado ku saabsan xaaladaha dagaalka kaddib, kuwaasoo ay ku jirto in si joogto ah loo raro ilaa rubuc ka mid ah 2.3 milyan ee qof ee ku nool Gaza, iyadoo Somaliland lagu xusay inay ka mid tahay meelaha suurtagalka ah ee loo rari karo.

Waxay kaloo warbixintu sheegaysaa in ergooyin ka kala socda Mareykanka iyo Israel ay wada-hadallo la yeesheen hoggaanka Somaliland, iyagoo dib-u-dejinta qaxootiga Falastiiniyiinta u sawiraya inay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah heshiis ballaaran.

Beddelka aqbalaadda dadkan la barakiciyay, Hargeysa ayaa la sheegay inay heli doonto aqoonsi diblomaasiyadeed oo buuxa — hadaf ay ku taamaysay tan iyo markii ay madaxbannaanida kaga dhawaaqday Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Somaliland waxay u shaqeysaa sidii dal ammar-waaqic ah, oo leh dowlad, lacag, iyo ciidamo ammaan oo u gaar ah, balse weli hal dalna si rasmi ah uma aqoonsan. Aqoonsi noocan oo kale ah wuxuu noqon lahaa guul-weyn oo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah.

Qorshahan ayaa hoosta ka xariiqaya miisaanka istiraatiijiyadeed ee sii kordhaya ee Somaliland. Dhulkeedu wuxuu ku yaallaa Gacanka Cadmeed, isagoo ka soo horjeeda marinka Bab el-Mandeb — oo ah marin ciriiri ah oo muhiim u ah ganacsiga badaha adduunka.

Imaaraadka Carabta ayaa maalgashi baaxad leh ku sameeyay gobolka. Shirkaddiisa waaweyn ee saadka ee ay dowladdu leedahay ee DP World ayaa maamusha islamarkaana ballaarinaysa Dekedda Berbera, iyadoo ka dhigaysa xarun weyn oo gobolka ah. Saamayntan qotoda dheer ee dhaqaale iyo siyaasadeed ayaa ka dhigaysa Imaaraadka dhex-dhexaadiye awood leh oo ku lug leh arrimaha Somaliland.

Dhanka Mareykanka, xiriir dhow oo lala yeesho Somaliland wuxuu gacan ka geysan karaa in lagaga hortago saamaynta sii fidaysa ee Shiinaha, oo ay ku jirto saldhiggiisa ciidanka badda ee ku yaal dalka deriska ah ee Djibouti. Dhanka kale, Israel waxay heli lahayd saldhig diblomaasiyadeed iyo mid amni oo suurtagal ah meel u dhow Badda Cas.

Fikradda ah in Falastiiniyiinta si joogto ah looga saaro Gaza ayaa cambaarayn kulul kala kulantay Qaramada Midoobay iyo dhowr waddan oo Carab ah, kuwaasoo ku doodaya in tallaabadani ay ka dhigan tahay isir-sifeyn ayna jabinayso sharciga caalamiga ah.

Axdiga Afraad ee Geneva (Fourth Geneva Convention) wuxuu mamnuucayaa in shakhsiyaad ama kooxo si qasab ah looga raro dhul la haysto. Saraakiisha Qaramada Midoobay waxay si isdaba joog ah u adkeeyeen xaqa ay Falastiiniyiintu u leeyihiin inay ku nagaadaan dhulkooda — iyo inay ku soo noqdaan haddii la barakiciyo.

Muuqaal ahaan, Imaaraadka Carabta wuxuu taageeray qaddiyadda Falastiin, wuxuuna ku biiray dalalka kale ee Carabta ee diiday qorshe kasta oo lagu doonayo in si joogto ah loo barakiciyo dadka reer Gaza. Si kastaba ha ahaatee, warbixinta “Dark Box” waxay ku eedeyneysaa in diblomaasiyadda daaha gadaashiisa ka socota ee Abu Dhabi ay ka hor imaanayso mowqifkeeda caamka ah, ayna dhibaatadan u adeegsanayso sidii ay dib ugu qaabayn lahayd isbahaysiyada gobolka.

Warbixintu waxay sheegtay saa in soo-jeedintani aysan ahayn dadaal bini’aadannimo, balse ay tahay “khiyaano juqraafi-siyaasadeed” oo dadka barakacay looga dhigayo “lacag” lagu gaarayo hadafyo diblomaasiyadeed iyo kuwa milateri. Dowladaha Imaaraadka Carabta, Israel, Mareykanka, iyo Somaliland ayaan weli si fagaare ah uga jawaabin eedaymahan gaarka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News