Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xogta ku heleyso shabakada Caasimada Online waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ay gaaraan diblumaasiyiin ka tirsan Safaarada Imaaraadka carabta ee Somalia iyo kuwo kale oo ka socda Wasaarada Arrimah dibadda ee dalkaasi Isutaga Imaaraadka kuwaasi oo Nairobi kula ballansan Musharaxiin u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Somalia.
Diblumaasiyiinta ka bixi doonta magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaamin doona Danjiraha Dowlada Imaaraadka u fadhiya Somalia Maxamed Al-Cuthmaani.
Diblumaasiyiintaani ayaa magaalada Nairobi ku arki doona musharaxiinta Cumar C/rashiid, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/raxmaan C/shakuur, waxaana shirkaasi qarsoodiga ah qeyb ka noqon doona diblumaasiyiin Kenyan ah.
Shirkaani Seddex geesoodka ah ayaa waxa uu noqon doonaa wajiga labaad ee shirkii ka dhacay magaalada Abu Dhabi kaasi oo ay qeyb ka ahayeen Madaxda Maamul goboleedyada dalka iyo Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.
Shirkaani qarsoodiga ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa 2 qodob oo kala ah Heshiiskii ka dhacay Abu Dhabi iyo danaha Imaaraadku ka leeyahay arrimaha Somalia oo ay koow ka tahay doorashada Somalia.
Shirka ayaa waxaa lagu soo hadal qaadi doonaa qaabka loo maareynayo ololaha doorasho ee lagu doonaayo in lagu soo saaro Musharaxiinta ay wataan Imaaraadka iyo Kenya.
Saddexdan Mas’uul oo la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen heshiiskii is fahamka Badda ee MOU ee sanadkii 2009-kii kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala xaajoonaya Dowladaha Isutagga Imaaraadka iyo Kenya maalgelinta ololahooda doorasho.
Dowlada Imaaraadka oo Heshiis Hoosaad la gashay Dowlada Kenya ayaa iminka dadaal ku bixineysa in saxada Siyaasada Somalia ay kusoo biiriso shaqsiyaad damacoodu yahay dhaqaale si ay u sahlaan danaha labada dowladood.
Qodobka ugu weyn ee shirka Nairobi ayaa ah la xiriira arrinta badda, waxaana sidoo kale daba socon doona kiisas kale oo u dana Imaaraadka Carabta.
Lama saadaalinkaro waxyaabaha dheeriga ah ee lagu kala saxiixan doona shirka maalmaha soo socda Cumar C/rashiid, Shariif Xassan, C/raxmaan C/shakuur, Imaaraadka iyo Kenya uga furmi doona magaalada Nairobi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

