Xog: IMAARAADKA Carabta oo si xeeladeysan u diidan safiirka cusub ee Somalia

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa weli aqbali la’a safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas Xasan Xundubey Jimcaale.

Dowladda federaalka, oo ka digtoon in laga faa’ideysto mas’iiuliyiinta hore ee safaaradda Abu Dhabi, oo ay aad isugu dhowaayeen dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa 6 bilood ka hor u magacawday Danjire Xasan Xundubeey Jimcaale inuu hoggaamiyo rrgada Soomaaliya ku matali doonto Imaaraadka.

Hase yeeshee, Imaaraadka Carabta ayaan weli aqbalin danjiraha cusub, sidoo kalena aan si rasmi ah u diidin, ayada oo laga gudbay muddada 90-ka maalmood ee sharciga diblomaasiyadda ee ay tahay inay ku aqbasho ama ku diiddo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Imaaraadka oo aan dooneynin in ay si toos ah xiriirka ugu jaraan Soomaaliya ayaa ka codsaday wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad inuu waqtiga uu u dheereeyo, taas oo uu oggolaaday.

Wasiirka iyo xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka oo uu wehliyo safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo ku kulmay Nairobi ayaa la sheegay inay isku afgarteen in aan wax isbedel ah lagu sameeyn safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi, howsheedana uu sii wado Axmed Daahir Maxamed oo ah ku sime.

Diidmada aqbalaadda safiirka Soomaaliya ayaa waxaa Imaaraadka Carabta ku wehliya dalka ay xulufada yihiin ee Sacuudi Carabiya, oo iyana in ka badan lix bilood kadib markii la magacaabay aan weli wax aqbalaad ama diidmo ah siin danjiraha cusub ee Soomaaliya ay magacowday Cabdiakiin Xasan Ashkir.

Xiriirka Soomaaliya iyo labadan dal ayaa xumaaday bartamihii 2017-kii kadib markii ay Soomaaliya diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar oo labada dal ay colaad kala dhaxeyso.