Xog: Ma dhabaa in DF ay bixisay dhulkii Iskaashatada gaadiidka gobalka Banadir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa darbi lagu wareejiyay dhismaha Barxadda Iskaashatooyinka Gaadiidka gobalka Banaadir ee ka soo horjeeda dhismaha xaafadii fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed ee Fiyooraha waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo arintaasi ku saabsan.

Xaruntaan oo markii hore laheyd saddex albaab oo kaliya ayaa laba kamid ah lagu xiray darbi, waxaana laga qaaday biro ku xirnaa halka midka saddexaadna lagu jaray ganjeel taasi oo dhibaato ku noqotay dad badan oo halkaasi marin u aheyd iyo dhalinyaro xiliyada galabtii kubad ku ciyaari jiray.

Wararka ugu badan ayaa sheegaya in laga kireeyay ganacsato islamarkaana lafilayo in laga dhiso dhismo ganacsi oo ka kooban maqaayad iyo hotel laga cunteeyo iyadoo qayb kamid ah loo reebi doono guddiga gaadiidka.

“Waxaa la ii sheegay in laga kireeyay ganacsato islamarkaana laga dhisi doono hotel” ayuu yiri qof ka tirsan guddiga Iskaashatada gobalka Banaadir oo halkaasi ku shaqeeyo.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in loo xiray sababo amni maadaama ay ku dhawdahay madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana ay tahay jihada kaliya ee aan ka xirneen Villa Somalia ama aysan joogin ciidan lamid ah sida baraha kale ee Kontrool kuwaas oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Shacabka daggan Xaafadda Fiyooraha ayaa markii hore halkaan ay u aheyd wado sahlan oo ay ugu sii gudbaan Xamar-wayne balse waxay hadda ku qasbsan yihiin in ay ka wareegaan dhinaca Xaawa Taako iyagoo maraya laamiga madaxtooyada hormara.