Golaha guurtida Somaliland oo dacwad laga gudbiyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta dacwad ka dhan ah loo gudbiyey Maxkamadda sarre ee Somaliland, midaasi oo ay gudbiyeen Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga ku bahoobay.

Dacwada ay Madashu ka gudbisay Golaha guurtida, ayaa waxay salka ku haysa muddo kordhintii uu dhowaan golahaasi u sameeyay Golaha wakiilada Somaliland, iyagoona golahooda isku kordhiyey.

Siyaasiyiinta Madasha ayaa warqada dacwad ah ee ay u gudbiyeen Maxkamada ku sheegay in Golaha guurtidu ay jabiyeen qodob Dastuuri ah, kaasi oo dhigaya in xaalada muddo kordhintu ay ku iman karto dagaalo, xasilooni daro iyo weliba xaalada abaaro oo ka dilaacda deegaanada Somaliland.

Madasha ayaa sheegtay in sababihii kalifi lahaa in muddo kordhin la sameeyo aysan dhamaantoodba midna ay wajaheyn Somaliland, midaasi oo ay ku micneeyen ku tumasho dastuur.

Siyaasiyiintan ku bahoobay Madasha Wada-tashiga Somaliland ayaa iyagu si weyn uga soo horjeedo Muddo kordhin uu dhowaan sameeyay golaha guurtida Somaliland kaasi oo golaha wakiilada u kordhiyay muddo 2-sano ah, halka golaha guurtiduna uu isku kordhiyay muddo 3-sano ah.

Hoos ka aqriso warqad dacwad ee gudbiyen Madashu