Puntland oo shaacisay xog la xiriirta taliyaha ciidamadii ‘u goostay’ Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa markale ka hadashay ciidamo ka soo goostay Maamulkeeda oo ku biirey Somaliland, kuwaasi oo dhowaan si weyn loogu soo dhaweeyay degaanka Taleex ee gobolka Sool.

Sareeye Guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle), Taliyaha guutada 26-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa markii u horeysay sheegay in maamulkoodu uu shaqada ka fadhiisiyay Taliyihii watay ciidankii ku biiray Somaliland.

Maxamuud Gubadle ayaa sheegay in G/S Cali Diiriye Baale la rusqeeyay bishii hore ee kow iyo tobnaad, kadib markii uu sameeyay amar diido ka dhan ah awaamiir ka soo baxday maamulkooda.

Gubadle ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in Cali Baale uu diiday in uu soo xareeyo ciidamo uu watay, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay saddex iyo labaatan askari, si ay dowladu u diiwaan geliso kadibna u helaan tobabar.

Taliyaha ayaa sheegay in Sarkaalkaasi uu doonayay in uu lacag ku qaato ciidamo aan diiwaan-gashaneen, midaasi oo ku sheegay in Puntland aysan marnaba aqbaleyn in ciidamadeeda ay ka sii mid ahaadaan askar aan diiwaan-gashaneen.

“Ciidan haddaan la xaqiijin joogistiisa iyo tiradiisaba, maalinta uu dagaal dhaco ayaa la tabaa oo ceebtooda banaanka usoo baxdaa” ayuu yiri G/S Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle).

Wuxuuna intaas ku sii daray “Balse haddii la ogyahay tirada kuu joogta ciidamada, ciidan walba kaalintiisa ayaa muuqanaysa”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili uu maalin ka hor un ka hadlay ciidamadaasi ku biirey Somaliland, Wasiirka warfaafinta Puntland oo isagu gebi ahaanba beeniyay in ciidamadaasi ka tirsanaayeen maamulkooda, isla markaana ku tilmaamay ciidamo maleeshiyaad beeleed ah oo la soo ururiyay.