Xog: Walaac ku saabsan in shaqaalaha DF iyo ciidanka ay bishan mushaar waayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bishaan si wayn u daahisay bixinta mushaarka Shaqaalaha dowladda iyo ciidamada Soomaaliya waxaana jira warar kala duwan oo ka soo baxaya sababtii arrintaan keentay.

Dowladda ayaa joojisay bixinta mushaaraadka ciidamada oo la bilaabay 26-kii bishii hore waxaana qaatay oo kaliya ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyadoo ilaa hadda aan la bixin mushaarka ciidanka kale iyo shaqaalaha dowladda qaarkood.

Arintaan ayaa la ogeyn waxa keenay balse waxaa jira warar kala duwan oo ka soo baxay sababta dib u dhigtay ama loo hakiyay bixinta mushaarka oo xiligan ka hor la qaadan jiray.

Shaqaalaha dowladda iyo ciidamada ayaa mushaarkooda heli jiray inta u dhaxeysa 26-ka ilaa 30-ka bil walba, balse bishaan oo maanta afar ah, ilaa hadda ma jirto wax mushaar bixin ah oo socda.

Shaqaalaha qaarkood oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in laga yaabo inay tahay arrin farsamo, halka qaar kalena ay qabaan walaac ah in laga yaabo in lacagtii go’aday oo aan waxba loo hayn.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo arintaan ku saabsan waxaana isa soo taraya qayla dhaanta ciidamada Soomaaliya oo marxalad adag ku shaqeeya.

Caasimada Online oo xiriiro kala duwan la sameysay dhowr wasaaradood iyo Villa Somalia, waa ay diideen inay ka hadlaan arrintan.