Sawirro: WAARE oo kulan la qaatay wakiilada QM iyo Midowga Africa ee dalka

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa xafiiskiisa ku qaabisay wakiilada Qaramada Midoobey iyo Midowga Africa ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka dhex maray wafidaan oo uu horkacayey ergeyga gaarka ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Madaxweyne Waare ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale kulanka ayaa intii socday waxaa diirada lagu saaray dadargalinta iyo ka faa’iideysiga mashaariicyada horumarineed ee QM ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Waxyaabaha kale ee kulanka lagu qaaday waxaa ka mid ah arrimaha amniga iyo fataahadaha ku dhuftay deegaano ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweynaha HirShabelle oo madasha ka hadlay ayaa ka dalbaday QM iyo Midowga Africa inay ka taageeraan dhibaatooyinka uu la daala dhacayo maamukiisa.

HirShabelle oo markii hore wajaheysay dhibaato dhaqaale iyo mid amni ayaa waxaa hadda ugu sii darsamay, fatahaad uu webiga Shabelle ka sameeyey Beledweyne.