Somaliland oo ciidamo badan geysay Ceerigaabo

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka ciidamada Milatariga Somaliland ay dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen buuraleyda gobolkaasi, gaar ahaan buurta Karin.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ay soo buux dhaafiyeen halkaasi, kuwaas oo ka yimid Tukaraq iyo Yubbe.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in haatan fariisimo cusub ay ka sameysteen buuraleyda Ceerigaabo, halkaas oo saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamo daacad u ah jabhadda hubeysan ee uu hoggaamiyo Korneyl Siciid Caare.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal culus uu ka qarxo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Korneyl Caare oo ku xoogan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa in muddo ah dagaal kula jira maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland.

Dhowaan ayey aheyd markii Jabhaddiisa ay weerar ku qaaday saldhigga ciidanka Booliska Somaliland ee magaalada Ceerigaabo, kaas oo geystay khasaare kala duwan.