Senator Muuse Suudi: Wasiir Beyle laba middii u roon ha sameeyo

Muqdisho (Caasimasda Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ka dalbaday inuu shacabka Muqdisho labo arrimood mid u fuliyo.

Muuse Suudi ayaa wasiir Beyle xasuusiyey in dowladda kharashka ugu badan uu ka soo galo dekedda iyo shacabka magaalada Muqdisho, iyadoo taasi jirtana ay shacabka Muqdisho dhibane u yihiin dowladda federaalka oo ka jartay wadooyinkii magaaladooda.

Senetortka ayaa wasiir Beyle ka dalbaday in looga fadhiyo inuu labo talaabo mid qaado kuwaas oo kala ah, in shacabka Muqdisho ay dowladdu wadooyinka u furto ama ay ka deyso canshuurta ay ka qaado, isagoo xusay in dalku uu lee yahay dekado kale dowladuna ay canshoorto tan Muqdisho oo kaliya.

“Dadka magaaladan degan dhamaantood wey dhiban yihiin, waxa laga qaado waxaa ugu darmay meel ay maraan ayey la’yihiin, wasiir lacagta laga soo qaadana adigaa laguu keenaa adigaa u qeybiya kuwa kale, ninkaan wax qaban karin inaad wax siiso maaha, hadii dhagaxu wax qaban karo ma ahan in dadka canshuur laga qaado, hadii hey’ad u xil saaran shaqadaas ay jirtana dhagaxaad ka qaadee umadda asaad hey’adda lacag siinee, marka dhagaxaan meel walba ku goyheynaa dadku meeley wax marsadaana maleh meel ay ku ganacsadaana maleh, intaasoo cadaabana ninka looga sheegan lahaa adiga waaye” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.

Muuse ayaa sheegay in wasiirka laga rabo inuu jawaab cad ka bixiyo hadii ay jirto qolo dayacday howsheedii oo booskeeda uu dhagax galay, isagoo carabka ku adkeeyay inaysan wax lagu andacoodo aheyn dhagaxa qaraxaa looga hortagaa.

“Qofkii dhimanaa Ilaahaa dilaa laakiin qofkii inuu noolaado la rabo dhagaxa lagu hor jaray laftigiisu musiibo waaye, waana rajeynaa in la xaliyo tabashadaas anigoo aaminsan in lacag intaan ka badan ay wasaarada maaliyadu hali laheyd hadii ay magaalada ka qaado dhagaxda” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Senator Muuse Suudi Yalaxow.