Dalka ay saldhig ka dhigan doonaa ciidamada badda Itoobiya ee cusub

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Badda Itoobiya ee cusub ayaa saldhigooda uu noqon doonaa Jabuuti, halka xarunta taliskooda dhexe ay noqon doonto magaalada Bahir Dar, waxaa sidaas werisay warbaahinta Capital Ethiopia.

Ayada oo muddoo laga fakarayey in ciidamada badda saldhig looga dhigo dalalka Sudan, Eritrea ama Jabuuti midkood ,ayaa ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxay Capita Ethiopia u sheegeen in dowladda ay go’aansatay Jabuuti.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in intii lagu guda jiray booqashadii uu Jabuuti ku tagay toddbaadkii saddexaad ee bishii October, uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed arrintan kala hadlay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

France ayaa dowladda Itoobiya ka caawineysa dib u dhiska ciidamada badda, waxaana iminka qaar ka mid ah shaqaalaha lagu tababarayaa dalka France, oo ah mid ka mid ah dalalka taageerada ugu weyn siinaya is-beddelada ka socda Itoobiya.

Ilo-wareedyada ayaa dhinaca kale sheegay in xarunta taliska ciidamada ay noqon doonto magaalada Bahir Dar ee caasimadda gobolka Amhara.

Hanaanka dib loogu aas-aasayo ciidamada badda Itoobiya ayaa waxaa hoggaaminaya General Kindu Gezu, oo la filayo inuu noqdo taliyaha ciidamada.

Kadib markii Eritrea ay ka go’day oo ay noqotay dal madax-banaan sanadii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn, waxaana la baabi’iyey ciidamadii badda ee dalkaas.

Markii uu ra’iisul wasaare noqday bishii April ee 2018, Abiy Ahmed waxa uu ku dhowaaqay in Itoobiya ay dib u dhiseyso ciidamadeeda badda.