Cali Wajiis: Lagama yeelayo CC Shakuur in uu qoolkii nebiga NNKH ku jees-jeeso

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahaa inay jiraan culumo dafirayo xuquuqda Haweenka isla markaasna ku tilmaamayo inay yihiin kuwa caqli iyo Diin yar.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur horey “loogu ogaa inuu aflagaadeeyo Culumada iyo madaxda talada heyso balse uu hadda kusoo daray inuu ku jeesjeeso Diinta Islaamka” isagoo is waydiiyey haddii ay arrintaas ka tahay kursi jaceyl.

“C/raxmaan C/Shakuur aflagaadada culumada iyo madaxda talada heysa waaba lagu ogaaye in uu diinta ku jeesjeeso ma kursi jeceyl ayaa gaarsiiyay?” ayuu yiri Sheekh cali Wajiir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Sheekh Wajiis ayaa tilmaamay inaysan u jawaabin Cabdiraxmaan Cabdishakuur markii uu culumada ku tilmaamay inay yihiin kuwa u shaqeeyo Dowladda maadaama uu sheegay in ceydooda iyo amaantoodaba aysan qadiyad u aheyn balse aysan aqbalin karin in hadalka Rasuulka SCW lagu tilmaamo mid been ah laguna jees jeeso sida uu hadalka u dhigay isla markaasna ay arrintaan tahay mid aad u culus oo muslimiinta aysan u dulqaadan karin.

Sheekh Wajiis ayaa yiri “Walaalkey markuu culumada ku tilmaamay culumaa’u sulda anagu uma jawaabin waayoo anaga caydeena iyo amaanteena qadiyad nooma aha laakin in Qowlkii Nabi muxamad صلي الله عليه وسلم lagu tilmaamo been laguna jeesjeeso waa arirn aad u culus oo muslimiintu aysan u dul qaadan karin”

“Haddaba C/rahmaan weli jaanis towbad keen ah ayaa kuu furan ee kasoo laabo munkarkaas oo ha noqon samaan rushdiga Soomaaliya” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Cabdiraxmaan ayaa dhawaan isagoo Jarmalka kula hadlayey dadweyne Soomaaliyeed sheegay in culumada ay adeegsadeen xadiisyo uu ku sheegay inay yihiin kuwa aan waxba ka jirin oo aan la ogeyn meesha laga keenay kuwaas oo sheegaya inuu Nabi Muxumed CWS sheegay in haweenka ay yihiin kuwa nusqaan ka ah dhanka Caqliga iyo Diinta.

Hadiithka uu Cabdiraxmaan diidan yahay ayaa waxaa  si wadajir ah usoo wariyey Muslim iyo Bukhaari waxayna culumada isku waafaqsan yihiin inuu yahay xadiithkaas mid saxan oo Nabiga CSW ka sugnaaday, wuxuuna ahaa sida hoos kaaga muuqato.

حَدَّثَنَا سَعِيدُ بْنُ أَبِي مَرْيَمَ، قَالَ أَخْبَرَنَا مُحَمَّدُ بْنُ جَعْفَرٍ، قَالَ أَخْبَرَنِي زَيْدٌ ـ هُوَ ابْنُ أَسْلَمَ ـ عَنْ عِيَاضِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ، عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ، قَالَ خَرَجَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم فِي أَضْحًى ـ أَوْ فِطْرٍ ـ إِلَى الْمُصَلَّى، فَمَرَّ عَلَى النِّسَاءِ فَقَالَ ‏”‏ يَا مَعْشَرَ النِّسَاءِ تَصَدَّقْنَ، فَإِنِّي أُرِيتُكُنَّ أَكْثَرَ أَهْلِ النَّارِ ‏”‏‏.‏ فَقُلْنَ وَبِمَ يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ ‏”‏ تُكْثِرْنَ اللَّعْنَ، وَتَكْفُرْنَ الْعَشِيرَ، مَا رَأَيْتُ مِنْ نَاقِصَاتِ عَقْلٍ وَدِينٍ أَذْهَبَ لِلُبِّ الرَّجُلِ الْحَازِمِ مِنْ إِحْدَاكُنَّ ‏”‏‏.‏ قُلْنَ وَمَا نُقْصَانُ دِينِنَا وَعَقْلِنَا يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ ‏”‏ أَلَيْسَ شَهَادَةُ الْمَرْأَةِ مِثْلَ نِصْفِ شَهَادَةِ الرَّجُلِ ‏”‏‏.‏ قُلْنَ بَلَى‏.‏ قَالَ ‏”‏ فَذَلِكَ مِنْ نُقْصَانِ عَقْلِهَا، أَلَيْسَ إِذَا حَاضَتْ لَمْ تُصَلِّ وَلَمْ تَصُمْ ‏”‏‏.‏ قُلْنَ بَلَى‏.‏ قَالَ ‏”‏ فَذَلِكَ مِنْ نُقْصَانِ دِينِهَا ‏”‏‏.‏

Waxaa arrintaan horey uga soo jawaabay Sheekh Soomow oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur u sheegay inuu si deg deg ah u towbad keeno haddii kale ay go’aan kasoo saari doonaan culimada Soomaaliyeed.