Xog: Imaaraadka oo xarun lagu kala dalaalo siyaasiyiinta Somalida ka hirgaliyay Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo Siyaasiyiinta Soomaalida lagu dhaliilo inay yihiin kuwo dhaqaale yar ku iibsada dalkooda, ayaa waxaa haddana soo baxaaya qorshooyin aad u halis badan oo ay maleegeyso dowlada Imaaraadka Carabta.

Hadaba dowlada Imaaraadka oo ka faa’iideysaneysa ducfiga heysta Siyaasiyiinta Soomaalida, ayaa dhismaha Safaaradeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dhex dhistay qeyb shirarka qarsoodiga ah loogu qabto Siyaasiyiinta xilalka kasoo qabtay dalka iyo kuwa miisaanka leh ee aan weli soo qaban talada dalka.

Siyaasiyiintan ayaa xaruntaasi kula kulma Diplumaasiyiin Wasaarada Arrimaha Dibadda Imaaraadka wakiil uga ah arrimaha Somalia, kuwaa oo Siyaasada Somalia ka dhex ololiya dhismaha cusub ee laga dhex yagleelay Safaaradooda Nairobi.

Siyaasiyiinta la xusi karo ee xilalka soo qabtay ayaa waxaa kamid ah Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid oo garab ka helaaya Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Somalia.

Siyaasiyiintan oo la rumeysan yahay inuu qeyb ka yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa loo adeegsanayaa kacdoonka ay dowlada Imaaraadka kaga soo horjeedo Dowlada Federaalka ah ee Somalia ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa aad uga soo horjeeda dowlada uu Hogaamiyo Farmaajo, oo ka biya diidan faragalinta Siyaasadeed oo ay ku heyso Somalia.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa khudbad uu habeeno ka hor ka jeediyay Xarunta Dowlada Dhexe ku sheegay in dowladiisa lagu hayo faragalin lixaad leh, isla markaana farqaha lagu dhagan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, halistaan cusub ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay hamiga ay dowlada Imaaraadka ku carqaladeyneyso xasiloonida Siyaasadeed ee ka jirta Somlia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com