Sawirrada iyo magacyada 10 ka mida dhaawacyadii Turkiga la geeyey oo maanta Muqdisho imanaya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo ay Maanta ku beegan tahay bil kadib Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Soobe,  ayaa waxaa lagu guuleystay in la daaweeyo 10 kamid ah 35-tii dhaawac ee loo qaaday dalka Turkiga.

Xaflad saguutin ah oo loo sameeyey tobankaas qof ee kasoo caafimaaday dhaawacyadii kasoo gaaray Qaraxaas ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka caafimaadka dalka Turkiga Dr. Ahmet demircan iyo madaxda safaaradda Soomaaliya ee Turkiga.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Turkiga ayaa Waraaqo Caafimaad guddoon siiyey dhaawacyadaas, waxaana loo sheegay inay kasoo kabteen dhaawacyadii soo gaaray, waxaana arrintaas si weyn uga qeyb qaadatay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, weliba waxaa waajibkiisa si weyn uga soo baxay  Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) oo ah Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya Turkiga oo loo xilsaartay ka war qabka xaaladda dhaawacyada dalkaas la geeyey.

Cabdulqaadir Barqadle oo la hadlay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegay in guud ahaan Xaaladda Caafimaad ee dhaawacyadaas ay soo kabanayaan, wuxuuna xaqiijiyey in 10 kamid ah ay caafimadeen isla markaasna Shalay laga soo qaaday dalka Turkiga iyadoo saacadaha soo socdo la filayo inay kasoo dagaan Magaalada Muqdisho xilli uu isagaba kamid yahay dadka Diyaaradda la saaran ee soo waday.

Wuxuu Sidoo kale sheegay xoghayaha labaad ee Safaaradda Turkiga in si weyn loola tacaalayo seddex kamid ah dhaawacyadaas oo ah kuwa culus, wuxuuna sheegay inay ku jiraan Isbitaal aad u tayo wanaagsan isagoo rajo fiican ka muujiyey inay soo caafimaadi doonaan Inshaa Allah.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa waqti badan gelisay xaaladsa Bukaanada iyada gacan wanaagsan ka heleesay dhalinayarada wax ka barata dalkan iyo jaaliyadda Soomaaliyeed oo muujiyay door wanaagsan oo soomaalinimo

Magacyada Dhaawacyada soo fiicnaaday ee saacadaha soo socdo Muqdisho soo gaarayo:

  1. Ismaaciil Ibraahim Maxamed
  2. Maxamed Askir Cawaale
  3. Cabdisalaan Cismaan Saalax
  4. Mahad Cabdi Sheekh
  5. Maxamed Cali Wehliye
  6. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulalahi Ok (Wariyihii Idaacadda VOA)
  7. Istar Cali Maxamed
  8. Mursal Sheekh Axmed
  9. Cali Maxamuud Maxamed
  10. Faadumo Xaaji Cali