Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday in mudada kooban ee uu xilka hoyo isbedel muuqda uu kusoo kordhiyay Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in dhamaan horumaradaasi ay ku imaaday magaca shacabka Magaalada Muqdisho iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka.
Boorsaani waxa uu sheegay in wakhtiga kooban ee uu hayo uu isbedelay nadaafad magaalada, waxa uuna xusay in dhaqaale badan uu kasoo xarooday uruurinta Canshuuraha Gobolka laga qaadaayay.
Gudoomiye Boorsaani waxa uu shaaciyay in Canshuurta la uruuriyay bilihii ugu danbeeyay ay gaartay $3000,000 oo uu sheegay in xitaa dadka qaar aan laga qaadin dhaqaalahaasi.
Waxa uu sheegay in dhaqaalahaasi uu ku bixi doon dhismaha iyo dayactirka Gobolka, waxa uuna rajo ka muujiyay in dadka kale ay ku deysan doonaan kuwa dhaqaalaha bixiyay.
Si kastaba ha ahaatee maalmihii udambeeyay ayaa maamulka gobolka Banaadir waxa ay wadeen dardargalinta howlaha guud ee gobolka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]