Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli soo baxaaya xogo la xiriira kulankii magaalada Abu Dubai ku dhexmaray Dowlada Imaaraadka iyo Hogaamiyayaasha Gobolada Somalia.
Hogaamiyayaasha ka qeybgalay kulankaasi ayaa waxaa kamid ahaa Hogaamiyaha Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug, Koonfur galbeed iyo Puntland.
Dowlada Imaaraadka ayaa la soo warinayaa in Hogaamiyayaashaasi ay horay usoo siisay lacago gacan qabsi ah oo cadadkeeda lagu sheegay min 3 Milyan oo dollar, halka ilo wareedyo kale oo u dhoon daloolay arrimaha shirkaasi ay sheegen in min 5 Milyan oo dollarka Mareykanka ah lasoo siiyay Hogaamiyayaasha.
Lacagahaasi ayaa sidoo kale la sheegay inay isugu jirtay tan lagu laaluushi lahaa Xildhibaanada ka imaaan doona maamulada ee lagu wado inay doortaan Madaxweynaha cusub ee Somalia, halka qeyb kamid ah lacagahaasi ay lahaan doonaan Hogaamiyayaasha, sida aanu xogta ku helnay.
Lacagahaasi ayaa sidoo kale waxaa daba soctay ballanqaadyo la fulin doono marka ay Xildhibaanadaasi doortaan shaqsiga uu wato Imaaraadka.
Sidoo kale, lacagahaani ayaa la sheegayaa in Hogaamiyayaasha gacanta loo galshay waxyar ka hor inta aysan kasoo bixin dalka Isutaga Imaaraadka oo ay safar kasoo ahaayen.
Warar kaasi ka duwan waxa ay sheegayaan in lacagta guud ee loo ballanqaaday ay tahay mid 5 Milyan balse laga soo siiyay qeyb yar, halka inta soo hartayna la gudoonsiin doono goorta ay doortaan Madaxweynaha cusub.
Dowlada Imaaraadka ayaa faragalin qaawan ku heysa arrimaha Somalia, waxa uuna ujeedka ugu weyn yahay in meesha laga saaro Xassan Sheekh iyo xulafadiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Maamul Goboleedyada ayaa si aad ah uga dhex macaashaaya loolanka Xassan Sheekh iyo Imaaraadka, waxaana mar waliba suuragal ah in Xassan Sheekh uusan dib usoo laaban.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

