Xog: Indha-Qarshe oo xil cusub loo magacabayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) oo dhowaan xilka laga qaaday ayaa la sheegay in xil cusub loo magacaabi doona oo aan xiriir la lahayn xirfadiisa Milaterinimo balse ah mid diblomaasiyadeed.

Xilka Indha-qarshe loo magacaabayo ayaa la sheegay inuu yahay safiir isagoo markii horena lagu qanciyay intii aanu xilku banneyn in xilkaasi la siinayo.

Golaha wasiirada ayaa ansixiyay xil ka qaadista taliyaha ciidamada Milateriga iyo abaanduulaha, waxaana horeba ka heshiiyay arrintan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo si hoose uga wadahadlay.

Lama oga ilaa hadda dalka loo magacaabi doono safiir Indha-qarshe laakiin waxay safiirnimadu qaadataa waqti dheer oo ku dhow 6 bilood marka la eego safiiradii ugu danbeeyay ee dowladda Soomaaliya magacwday.

Isha goobjooge

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com