Xog: Inta ay la egtahay taageerada uu haysto Xasan Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Ra’isul wasaaraha magacaaban Xasan Kheyre uu hortago Baarlamaanka Somalia oo uu ka horjeedin doono Khudbad gaaban oo uu ku dalbanaayo codka kalsoonida.

Ra’isul wasaaraha magacaaban ayaa Seddexdii maalin ee ugu danbeysay kulamo kala duwan la qaadanaayay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Odayaasha dhaqanka Beelaha si uu uga helo taageero.

Xildhibaanada qaar ayaa ku kala aragti duwan magacaabida Ra’isul wasaaraha waxaana jira tirro Xildhibaano ah oo ka horyimid magacaabidiisa, halka tirro kalana ay sheegen in Madaxweynaha uu asiibay magacaabida Xasan Kheyre.

Xildhibaanada uu la kulmay Ra’isul wasaaraha magacaaban ayaa sida la soo warinayo u muujiyay kalsooni, waxaana la sheegay inuu haysto taageero ku filan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay filayaan in ra’iisul wasaaraha si fudud loo ansixiyo, ayada oo la qiyaasay inuu ku gudbi doono codad ka badan 200 oo xildhibaan ama ku dhow.

Xildhibaanada qaar ayaa cod dheer ku sheegay inay codka kalsoonida ah siin doonaan Ra’isul wasaaraha magacaaban, maadaama magacaabidiisa ay qeyb ka tahay isbedelka dhacay.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa aaminsan in rajada cusub ee lagu qabo dowladda iyo taageerada uu haysto madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay keeni doonto in si fudud codka kalsoonida loo siiyo Xasan Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com