Xog: ITOOBIYA oo ciidamo badan soo dhoobtay xuduuda ay la wadaagto gobolka Gedo

Bookmark
Bookmarked

Share

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan dowladda Itoobiya ay ciidamo dheeraad ah keentay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka gobolka Gedo, halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad xooggan oo u dhexeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Jubaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saacadihii ugu dambeeyay soo buux dhaafiyay halka loo yaqaanno suufka, oo ah sadex xagalka xuduudaha dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobtaas ay sidoo kale joogaan Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo guddoomiyaha degmada Doolow oo hoggaaminayo ciidamadii Jubaland ee dhawaan laga qabsaday Belexaawo.

Arrintaan ayaa muujineyso saasaan colaadeed oo horleh, ugana sii dari karto xiisadda ka taagan Gedo, maadaama weli ay sii socdaan dhaq-dhaqaaqyada iska soo horjeedo.

Itoobiya ayaa horay usoo farogelisay arrinta gobolkan, waxayna ciidamadeeda ka qayb-qaateen dagaalka, iyaga oo weeraray ciidamada NISA ee ku sugan degmada Doolow, taas oo dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan amniga gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jirtay in mar kale ay digniin u direen ciidamada dowladda ee ku sugan Beledxaawo, iyaga oo faray inay isaga baxaan magaaladaasi, balse ma fulin go’aankaasi.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhaq-dhaqaaqa ay ciidanka Itoobiya ka bilaabeen xadka labada dal.

Dowladda Federaalka ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin farogelnta Itoobiya, waxaana warsaxaafadeedkeedii ugu dambeeyay ay kaliya ku eedeysay hogaanka sare ee Jubaland.

- Advertisement -

Read more

Local News