Xog iyo Gorfeyn: Dowladda minay bir tahay waan ka leexaheynaa, minay bac tahayna waa bajeynaa! (Maxaa socda?)

Ciyaarta legdinta ayaa xeeladaheedu waxay ku qotomaan in Labada Ruux oo legdamaayo midba Xeelad adeegsado si uu uga gacansareeyo kan kale, ha noqoto dibir, darro, ama Qonof oo weliba la raaciyo sinsaaryo iyo xambaarogudub.

Legdanka waxuu leeyahay Shuruuc iyo Qaanuun sida inta aan ciyaarta loo guda gelin in xag la isa siiyo oo kala aha: kor iyo hoos. Siyaasaduna kama foga xeeladaha legdinta loo isticmaalo, oo waxay labaduba natiijadu kuwada biya shubanayaan in qofba qofka kale ka guuleysto oo legdintu malaha araarayn  iyo kala qabasho ilaa ruux dhinaciisa dhulka la dhigo.

Inkastoo Soomaalidu badankeedu yihiin reer miyi u qaabeysan iska dhicinta ayaa waxaan ku qaada dhigeynaa taariikhdii loolanka siyaasadeed ee kursiga hoggaanka ee taariikhda ku soo noq-noqday. Waxaa haboon in taasi dib loo milacsado legdamihiii siyaasadeed ee ee tegay si aanu u xuusano ugana faa’ideysano.

Haddabo Legdenka Ciyaareed waa bowdaqaawis oo guntiga laysku giijiyoo, dadka daawanayana u kala safta legdamayaasha oo caraadis iyo xamaasad dhiirigelin ah ku garab istaago illeyn ninba waa nin kiisa. Waxaa intaa sii dheer dadka danaaniyo qaarkiis baa ku insaaraxo qofkiisa, yiraahdana: “libin mooyee bar-bardhac ha yeelin.” Qaar kalena waxay ku bogaaddiyaan: “iska dhici oo hebel yuusan mar kale kula bocola guranine.” Si kastaba ha ahaatee waxaa soo maray legdin Siyaasadeed waxaana ka soo qaadaneynaa oo ka mid ah dhacdooyinka soo socota:

April 9, 1978 ayaa waxaa dhicisoobay inqilaab lala maaganaa Siyaad Barre, dawladii militeriga ahayd. Maruu Siyaad ku guuleystay legdantii buu wuxuu Siyaad Barre amar ku bixiyey in qoorta loo dheereeyo Ragii lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen inqilaabkii dhicisoobay, intiii carrartay mooyaan.

Siyaad xeelada legdenka ee xambaaro- gudubka ah wuu ka badbaaday, wuxuuna hoggaanka hayey legdintaa ka dib 13 Sanno.

Maarso 17, 2005 Barlamaanka DKM oo markaas ku sugnaa dalka Kenya, Nairobi ayaa gaacan iskula tegay oo halkaas qaar ka tirsan xildhibaanada Soomaaliyeed dhiig badan uga daatay. Inkastoo ay shuruudaha legdenka waafaqsaneyn, gareexeed garbaduub laysku qabto oo misane dhiig layska daadsho taasina Somalidu waxay ku noqotay arrin ugub ah.

May 2, 2000  Shirkii dib u  heshiinsiinta Somaliya ka bilowday Carta, Jabuuti, ka dibna lagu doortay mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan. Nasiib darro Madaxweyne Cabdiqaasin wuxuu loolanka legdintu kala dhaxeeyay Mudane Xasan Abshir oo ay wehliyaan Dagaal oogayaashii u faadhiyey shiraysigii hilibka Maandeeq ee loog iyo sadaqo midna loo bixiniaynin hase yeesheee markaas  xoog iyo xeelaad legdan usku qaabeeyey sida Muuse Suudi waxuuna ku tannaagooday: Dawladdu manay bir tahay waan ka leexaheynaa, minay bac tahayna waaa bajeyna. Mudane Cabdiqaasim baa qonof iyo darro wada socda looga tuuray dawladii uu madaxda ka ahaa.

Oct 10, 2004  Waxaa legdankii Siyaasadeed masraxa isku soo taagay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, durbadiiba ku goodiyey in uu sinsaaryo farafootan u isticmaalayo Mudane Nuur Cadde. Haseyeeshee Mudane Nuur Cadde ayaa dibir sintaag ah dhulka la dhigay Mudane Cab/llahi Yusuf Axmed, xukunkiina isagoo dib u soo jalleecayo ka hayaamay.

Sep, 10, 2012 waxaa la doortay Mudane Xasan Shiiq Maxamuud wuxuuna ku ribeeyay uu la looltamayo Mudane Cabdi Farax Shirdon (Saacid), wuxuuna si bareer ah u iclaamiyey inuu si sahllan uga guuleysanayo, laakiin Mudane  Saacid oo garmaama-ciyaar la soo gole tagay baa ku ribeeyay in uu difaacayo heybaddiisa iyo sharaftiisa.

Arrintaana ma aha bushma-tuur iyo caraatan toona, laakin waa legdin Siyaasadeed. Waxaase la mala awaali karin Qofka ku raynayo legdanka Siyaasadeed ee Maanta ka aloosan Muqdisho. Looba joogee ciddii ku badiso.

Cumar Axmed, USA – Keydmedia Online