11 khasaare oo khilaafka Xasan Sheikh iyo Shirdoon Saacid laga dhaxli doono

Muranka madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Somalia wuxuu niyad jab iyo dib u dhac ku yahay dalka. 11 arimood oo muhiim ah ayay dhici kartaa in khasaare laga faa’iido, waxaana ay kala yihiin.

1. Soo celinta ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisada

2. Dib u heshiisiitna iyo is cafinta

3. Heshiiskii Jubba oo ahaa in muddo 6 bilood ah maamul loo dhanyahay la dhiso, dekadda iyo garoonka dowladda dhexe lagu wareejiyo

4. Dhismaha Ciidanka Soomaaliya

5. Caalamka oo isku raacaya in dadka Soomaaliyeed aysan ku heshiin karin xita agaasine waaxeed.

6. Lacagtii New Deal oo sida caada aheyd aan soo dhaafi doonin Nairobi haddiiba la soo diro.

7. Midnimada iyo wada hadalladii Somaliland oo dib u dhac ku imaan doono.

8. Haddii ay dhacdo in Raisul Wasaare kale uu yimaado muddo 6 bilood ah ka yar kuma fahmi karo sida ay shaqeyso Villa Somalia iyo OPM iskaba dhaaf inuu dalka iyo dadka wax u qabto, markuu fahmana sida ku qoran dastuurka la dhihi doonaa -iska bax mudane howshaadiisii waa gudan weysay.

9. Murankeena iyo qab-qabsigeenu wuxuu guul iyo farxad u yahay dalalka deriska ah, hey’adaha ku qaraabra magaca Soomaaliya iyo AMISOM ee taa ha la ogaado.

10. sagaalkaas qodob markii ay dhacaan waxaa ku xiga in max miyad ama UN trust-ship si toos ah naloo galiyo, awood aan isku dhaqaajino ma imaan doonto markaas, waayo ciidan AMISOM oo 20-kun ah ayaa dalka jooga, kaddibna waxaa talada dalka loo dhiibi doonaa nin African ah oo xitaa aan ingiriis ku hadlin.

11. Wax kasta oo nagu dhaca inagaa masuuul ka ah, ee aan hadda is qabano Soomaaliyeey, aan Rabbi u tooba kenno, isku oggolaano inaan iscafino, wada shaqeyno, wada noolaanno, is xushmeyno, is aaminno, is farno wannaaga.

Hassan Sheekh iyo Shirdoon Saacid ma loo kala dab qaadi waayay? ma qilaafka iyo waji dadabka ayaan ku qanacsannahay? Ragga hala heshiisiiyo.

W/Q: Faarax Maxamed Cali Blue

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online