Ma la socotaa su’aasha ugu weyn ee maanta la is-weydiinayo Soomaaliya?

Baarlamaanka ma noqon doonaa madaxii 2-da garab u dhaxeeyay?

Dalkeenna waxaa soo maray xukun askareed (military regime) oo soo jiitamaayay muddo 21 sannadood ah, kaasoo taliskii ku soo uruuriyay gacanta keligii-taliyahii Maxamed Siyaad Barre oo wuxuu go,aansado cid ka dabahadli kartay aysan jirin ilaa 11kii Janaayo 1975tii uu Garoonka Kubbadda Cagta ee Cons Stadio, yiraahdana: “Rubuc ma jiro, sumun ma jiro, suddus ma jiro”, looguna sacbiyay, diidayna inuu si nabad ah xafiiska uga tago.

Taliskii nuucaasi ahaa, markii xoog lagu eryay, waxaa laga dhaxlay burbur, dagaallo sokeeye iyo dagaaloogayaal aan wax naxariista ummadda u haynin, waxaaana dhib noqday sidii waddanka loogu dhisi lahaa dowlad karti leh oo soo celin karto qarannimadeenii 10 sannadood kaddib taliskii Maxamed Siyaad.

Xukuumaddii Cabdulqaasim Salaad Xasan oo Carte ee dalka aan walaala nahay ee Jabuuti lagu soo dhisay 2000, waxay ka bixi weyday isqabqabsi oo 4 sanno gudahood waxaa xafiiska ra,iisul wasaaraha isaga dambeeyay: Cali Khaliif Galaydh, Xasan Abshir Faarax, Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cusmaan Kalluun, taasoo xukuumaddaasi baday inay soo dhaafi waydo Degmada Hodan oo xarun u ahayd.
Xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf oo tii Cabdulqaasim ku xigtay, waxaa isqasaday Geeddi iyo Cabdullaahi Yuusuf, waxaana Geeddii lagu baddalay Nuur Cadde oo khilaaf dhaxmaray Cabdullaahi Yuusuf oo beesha caalamka u aqoonsatay inuu khilaafka sabab u yahay, kana diidday inuu keeno Ra,iisul wasaare saddaxaad, kuna qasabtay inuu xafiiska banneeyo.

Sheekh Shariif oo ku xigay, 3 sanno gudahood wuxuu isku baddalay, Cumar Cabdirashiid, Farmaajo iyo Cabdiweli, taasoo dhaxalsiisay in Baarlamaankii la hareer maro, xeerkii (charter) meel layska dhigo, Kampalana ku amartay Road Map awooddii dalka 7 nin oo midkood Mahiiga ahaa gacanta u gelisay, halkaasina waxaa ku wiiqmay awooddii uu Sheekh Shariif waddanka ku xukumi lahaa, doorashadii uu galayna sidaasuu ku waayay.

Haddaba, markii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay inuu dalka madaxweyne ka noqdo, ku-meel-gaarnimadiina laga baxay, ummadda waxay rajaynaysay in khilaaf dambe uusan dhici doonin. Hase yeeshee riyadaas waxaa beeniyay Xasan Sheekh oo sannad kaddib soo wado Riisul wasaarahiisii 2aad, mid 3aad inuu keenana sida caadadeenu ahayd meesha lagama saari karo.

Khilaafkaan soo ifbaxay wuxuu qalbi jabiyay ummadda Soomaaliyeed meel kastaabas ha joogtee, siiba ayadoo aan loo soo bandhigin sababa xilka looga qaadaayo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dala intiisa badani u arkaan nin deggan, daacad ah, siyaasiinta haatan joogana ku dhax ah tuke garab cad, isla markaana hawshiisa ka adag, waxaa la barbardhigi karaa Aadan Cadde iyo Maxamed Ibraahim Cigaal.

Haddaba, xubnaha Baarlamaanka oo ku dhaartaay kitaab quraan inay caddaalad ku shaqayn doonaan, dhaxdhaxaad maka noqon doonaan khilaafka u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo ra,iisul wasaaraha, kana celin doonaan Saacid in Xafiiska sabab la,aan looga eryo? Mase sida arday macallinkoodii amar siiyeey washamsi ku qaaadi doonaan?

Su´aasha uu qof walbo Soomaali ah oo maanta isweyddiinaayo waa `Baarlamaanka ma noqon doonaa madaxii 2da garab u dhaxeeyay? Waxaad naftaa u jeceshay, tan walaal u jecloow, xildhibaanku ma jeclo in shaqda laga eryo, kolkaa yuusan ku degdegin inuu ruux shaqada ka eryo ayadoo aan la hor keenin asbaab macquul ah oo muujinayso xilgudasho la,aanta ruuxa shaqada laga eryaayo.

Waxaa intaa sii dheer, inay u dhaga nuqlaadaan baaqa ka soo yeeraay ummaadà Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto, kaasoo ah inaan khilaaf danbe loo baahnaynin.

W/Q: Axmed Moxamed Axmed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online