26 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Xog iyo Gorfeyn: Hadii Cumar C/rashiid loo magacaabo R/w, maxaa dhici kara?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo kasoo jeedo qoys siyaasadda Soomaaliya caan ku ahaa ayaa kamid ah dadka la hadal hayo inay noqdaan ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadii ay taasi dhacdo ayaa qaar kamid ah dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya waxay arkaan in madaxwayne Xasan Sheekh uu qaaday labo sano kadib wadadii uu Sheekh Shariif ku bilaabay markii uu u xushay Cumar c/Rashiid ra’iiul wasaarihiisa koowaad, taas oo loo akhrin karo in Sheekh Shariif uu ka aragti dheeraa xagga siyaasadda madaxwayne Xasan Sheekh, maadaama meeshii uu Shariif isaga oo socod barad ah ku billaabay uu haatan madaxwayne Xasan Sheekh cagta saaray.

Tan kale oo loo akhrin karo ayaa ah Cumar oo lagu eedeeyo isaga iyo Sheekh Shariif inay amar ku siiyeen C/raxmaan Cabdishakuur inuu Kenya u saxiixo dhul badeedka Soomaaliya. Waxaa hadda la is-weydiin karaa sababta uu Xasan Sheekh ugu abaal marinayo Cumar inuu ka dhigo ra’iisul wasaare iyada oo ay taagan tahay dacwadii ka dhalatay heshiiskii xukuumadii Cumar gashay. Dacwadaas ayaa haatan hortaalla maxkamad caalami ah ee Hague.

Waxaa kaloo jira in Cumar C/rashiid uu gorgortan siyaasadeed ku galay Shariif Xasan oo aan ognahay ciduu taageero inay saamayn yeelenayso taas oo shaki wayn laga muujinaayo in labada ninba uu ku jiro hami madaxtinimo marka la gaaro 2016, laakiin waxaan cadayn midka ay madaxtinimada u sharixi doonaan, taas oo ka dhigan in midka tanaasula uu noqon doono ra’iisul wasaaraha ama madaxwayne ku xigeenka hadba nidaamka maamul ee dastuurka aftida loogu qaadi doono.

Tan kale Xasan Sheekh iyo ragga ku dhaw dhaw mala socdaan in allaha u naxariitee C/rashiid, Cumar aabihiis, markii ra’iiul wasaarenimada laga qaaday in Aadan Cabdulle Cismaan oo madaxwayne ahaa kula tartamay xilka madaxwaynanida oo uu waliba kaga adkaaday ilaa laga dilay 1969-kii. Haddii xasan iyo kooxdiisa soo sharaxaan Cumar, waxay ka dhigan tahay in 2016 uu meesha ka saari doono iyaga.

Waxaa xusid mudan, markii uu jagadii hore ka tagayay in Shariif Xasan dhex dhexaadiyay oo kula taliyay Sheekh Shariif in Cumar booska banneeyo, badalkeedana lacag la siiyo si uu daymo uu sheegtay in lagu lahaa isaga bixiyo.

Cumar waa nin aqoonyahan ah, khibrad siyaasadeed oo fiican leh, sida la isku miskiiniyo oo loogu seex seexdo siyaasadana aad u fahamsan waxaana suura gal ah in hadii uu fursadan helo inuu si fiican uga faa’iidaysan doono oo aysan muhiimadiisa ahayn in xilliga dhaw uu raysul wasaare noqdo.

W/Q: Xasan yuusuf
Nairobi-kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News