CCC Sharma’arke oo la magacaabayo: Mustaqbalkii Somalia oo la afduubtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ah safiirka Soomaaliya iminka u fadhiya Mareykanka, ayaa lagu wadaa in loo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, sida ilo-wareedyo lagu kalson yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Go’aanka lagu magacaabayo Sharma’arka ayaa iminaya kadib maalmo ay siyaasiyiin dhowr ah uu midba aad ugu dhowaaday in xilka loo dhiibo, balse ugu dambeyn ay isugu biyo shubatay Cumar.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay in Cumar Cabdirashiid uu ka doortay xubno ay ka mid yihiin Xuseen Cabdi Xalane iyo Axmed Ciise Cawad, oo mar aad ugu dhowaaday xilka.

Soo jeedinta Sharma’arka ayaa waxaa lahaa Cabdullahi Sambaloolshe, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Faarax C/Qaadir, oo iminka ah labada nin ee Xasan Sheekh hoggaanka u haya.

Arrinta ugu weyn ee Cumar lagu doortay ayaa sida la sheegay ah in kooxda Damu-Jadiid ay u aragtay nin aan fir-fircooneyn, oo aan ka hor imaaneyn danta koooxdaas, islamarkaana ay si fudud uga adkaan karaan haddii ay is-qabtaan.

Sida Caasimada Online ay u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoo yahay Cumar ayaa kasoo tagay Mareykanka waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaalada Muqdisho.

Maxay Damu-Jadiid  ku doorteen Cumar Cabdirashiid?

5_DEC_2014

Ayaga oo heli kara shaqsiyaad badan oo xilkan ka mudan Cumar Cabdirashiid, islamarkaana aan dalka dambi ka gelin, ayay kooxda Damu-Jadiid waxa ay Cumar ku doorteen:-

A – Cumar Cabdirashiid wuxuu taageero xoogan ka heystaa Mucaaradka ku kacsan Damu-Jadiid sida Cabdiwahaab Khaliif iyo Prof. Gaandi, sidoo kalena wuxuu saaxiib la yahay Shariif Xasan, Cabdiraxman Cabdishakuur iyo, Sanbaloolshe oo xogheyntiisa ahaan jiray iyo inta badan Kaadiriinta Damujadiid.

B- Cumar Cabdirashiid waa nin ay aaminsan yihiin inuusan ka hor imaan doonin qadiyadooda, sidoo kalena ay uga gudbi karaan xaaladaha adag ee horyaal, ayaga oo sida ay doonaan ka yeelan kara.

C- Cumar Cabdirashiid magacaabistiisa waxay Damujadiid aaminsan yihiin iney kaga neefsan doonaan culeeysyo xoogan oo ka heysta Beelaha Majeerteen iyo Ogaadeen maadama uu yahay ninkii sameeyay Jeegaanta Puntland iyo Jubaland.

Maxay ka dhiggan tahay magacaabista Cumar Cabdirashiid?

Haddii si rasmi ah loogu dhowaaqo, magacaabista Cumar Cabdirashiid waxa ay ka dhigan tahay afduub lagu sameeyey mustaqbalka Soomaaliya ayada oo laga hormarinayo danta kooxda Damu-Jadiid ee ah sii haysashada hoggaanka dalka.

Cumar Cabdirashiid, waxa uu baal mugdi ah ka galay taariikhda Soomaaliya kadib markii uu qeyb ka mid ah badda Soomaaliya u saxiixay Kenya, isaga oo dhaafsanaya dhowr milyan oo dollar.

Saxiixii Cumar waxa uu maanta gaaray heer badda Somalia ay taal maxkamad caalami ah, ayna ku jirto marxalad 50-50 ah, taa oo macnaheedu yahay in go’aanka maxkamadda uu ka dhignaan karo in Somalia baddeeda ay qeyb ka mid ah qaadato Kenya, ama ay dib u hesho.

Intii uu Cumar Cabdirashiid xilka ra’iisul wasaaraha dowladdii Sheekh Shariif hayey, waxa uu maamulka Puntland ee uu kasoo jeedo u saxiixay inay 30% lee yihiin dhammaan deeqaha soo gala dowladda Soomaaliya, inkasta oo xaqiiqdu ay tahay in Puntland aysan xittaa 10% ka dhammeyn Soomaalida.

Waxa uu Cumar Cabdirashiid sidaas u sameeyey qabyaalad, caddaalad darro iyo ku takrifal xilkii ay umadda Soomaaliya u dhiibatay.

Ka hor inta uusan Sharma’arke xilka ra’iisul wasaaraha iska casilin, waxaa baarlamanka ka yaallay mooshin ay saxiixeen tiradii ugu badneyd abid ee xildhibaano ah, ayada oo wax lagu heystay ay ahayd wax qabad la’aan iyo inuu iibsaday badda Somalia. Waxaa sidoo kale xusid mudan in madaxweyne Sheekh Shariif uusan wax lug ah ku lahayn mooshinkaas, taasi oo ku tuseysa sida xildhibaanadu uga soo hrojeedeen Sharma’arke.

Markii uu xilka ka dagayey waxa uu dalbaday lacag, waxaana la siiyey afar boqol oo kun dollar, sidaas ayuuna ku baxay.

Labadii sano ee Xasan Sheekh uu madaxweynaha dalka ahaa, waxa uu Sharma’arke fadhiyey Nairobi, isaga oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii dowladda hadda jirta loo bur burin lahaa. Waxa uu ku hadlayey magac qabiil, isaga oo dowladda kula dagaashanaa siyaasadeeda gobollada Jubbooyinka.

Cumar Cabdirashiid waxa kale oo uu si cad u taageersan yahay duulaanka iyo xasuuqa ay Kenya ka geysaneyso Jubbooyinka. Waxa uuna markii dambe kaabe u ahaa kooxdii qas-wadayaasha ee Nairobi u fariistay burburinta dowladda federaalka ah.

Haddii shaqsi ceynkaas ah maanta lagu abaal-marinayo ra’iisul wasaare, Maxaa rajo ah oo ay Soomaaliya leedahay?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com