Xog iyo Gorfeyn: Kismaayo ma la qabtay mise waa la qabsaday?‏

Sida aan lawada socono Arbacadii lasoo dhaafay oo taariikhdu ku beegneyd 7/11/2012 ayaa magaalada Kismaayo waxaa gaaray wafdi katagay magaalada Muqdisho kana koobnaa 7 xubnood oo ahaa gudi Dowlada federaalka Soomaaliya u xilsaartay samaynta maamulka Jubooyinka gaar ahaan Kismaayo, sidokle wafdigaan waxyaabaha ay usocdeen waxaa kamid ahaa arinta dhuxusha ku xayiran dekeda Kismaayo.

Hadabo wafdigaas iyo qaar kamid ah saxaafada Muqdisho, ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa lagu wargaliyay ineeysan gudaha ugali Karin magaalada laguna war galiyay inaan la damaanad qaadi Karin amaankooda.

Farriintaasi waxaa wafdiga u sheegay sarkaal ciidamada Kenyan ee garoonka ka masuulka ah hogaamiya, kaasoo sheegay in isaga lagu soo wargeliyey in “wafdiga ka yimid Muqdisho uu la kulmi karo masuuliyiinta joogta Kismaayo haddii ay la socdaan [wafdiga] dad ka socda Urur Goboleedka IGAD”.

Hadaba celinta wafdigaas laga soo celiyay Kismaayo waxaa kadhashay muran badan iyo dood Dowlada dhaxdeeda ah, iyadoo gudoomiyaha Baarlamaanka uu uyeeray madaxweynaha iyo RW si ay uga jawaabaan sababta wafdigaas loo soo celiyay, sidokale qaar katirsan baarlamaanka kana soo jeeda Gobolada Jubooyinka ayaa kahadlay arinta Kismaayo waxa ayna Dowlada Kenya ku eedeeyen ineey iyada masuul katahay arintaas islamarkaasna ay qas kawado Soomaaliya.

Xiisada Kismaayo ayaa labadii todobaad ugu danbeysay ahayd (Xarig lama sitaan) waayo meel waxaa kasocday muranka waxa laga yeelayo dhuxul aad ufarabadan oo daadsaneyd dekada Kismaayo, inkastoo QM Iyo Dowladaba ay kasoo saareen qaraaro hadana mafulin, oo waxaa lasoo mwarinayaa in dowlada Kenya iyo Shiikh Axmed Madoobe in ay dhagaha ka fureysteen, Meelkalena waxaa lagu karinayay sidii maamul logu sameyn lahaa Gobolada Jubooyinka.

Sida loo sahmiyo xaalada Kismaayo Dowlada Soomaaliyana umuujiso saameynteeda ku aadan Gobolada Jubooyinka waxay markii ugu horeesay udireen wafdi saraakiil ciidan ah oo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, gudigaas ayaa sifiican loo soo dhoweeyay loona soo sagootiyay, balse xaalku waxa uu xumaaday markii markale loo diray gudi maamul usamayn ah oo uu madaxweynaha magacaabay halkaasina ay kala soo kulmeen wajigabax.

Axmed Madoobe ayaa wafdigan ugu danbeeyay sicad ugu sheegay in aaneey diyaar u ahayn ineey lakulmaan.

Dabcan go’aankan lagu soo eryay gudigaas ma ahayn mid gaar u ahaa madaxda Raaskambooni ee waa mid la ogayd lana wadaagtay Dowlada Kenya oo awalba shaki weyn laga qabay howlgalkeeda Milatari ee ay kawaday gudaha Soomaaliya.

Hada lama joogo maalmihii Kumeel gaarka ee waxaan dooranay Dowlad awood siyaasadeed leh lana xisaabtami karta dariskeeda iyo caalamka, siyaasada kasocoto Kismaayo-na ma ahan mid sahlan oo laga war wareegi karayo sidaa daraadeed waxaa madaxdeena loga fadhiyaa jawaabta ay kabixin lahaayeen su’aasha ah(Kismaayo ma laqabtay mise waa la qabsaday)?.

W/Q: Farxaan Xasan Gaabane

Oslo, Norway

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.