25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

XOG iyo GORFEYN: 3 nin midkee baa noqon doona ra’iisul wasaraha cusub?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmahaan ku mashquulsanaa siduu u heli lahaa Raisul wasaare shaqsi uu u magacaabo, qabtayna araaji badan oo codsi ah oo ka yimid siyaasiyiin doonaya in loo magacaabo Raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu ilaa haatan go,aan qaadan la’yahay  sababaha madaxweynuhu go’aanka u qaadan la’ yahay ayaa lagu sheegay inay yihiin:-

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo hogaamiyaha Damujadiid Faarax Cabdulqaadir ayaa kulamo la qaatay musharixiintii ay labada hogaamiye isla arkeen inay mudan tahay inay la kulmaan su’aalana ka weydiiyaan qorshahooda haddiiba ay dhacdo in loo magacaabo RW Soomaaliya.

Musharixiinta ilaa haatan isugu soo haray in midkood lagu dhawaaaqo ayaa la sheegayaa inay kala yihiin Xuseen Cabdi Xalane ama Cabdi Waaxid CCilmi Goonjeex, musharixiintaan yaa kala wato, maxaase laga filan karaa. 

Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex waxaa la sheegayaa in madaxweynuhu uu aad ula dhacsan yahay, Goonjeex ayaa mudo gaaban noqday kusimaha Raisul wasaare xiligii RW Cumar Abdirashid uu is casilay kadib markii ay is qilaafeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Omar Abdirashid ayaa is casilay kadib markii la siiyey lacag Malaayiin Doolar ah, Goonjeex ayaa muujiyey hawl karnimo xiligii yaraa ee uu ahaa ku simaha Raisul wasaaraha Soomaaliya inta aan la magacaabin Raisul Wasaare Farmaajo.

Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex waxaa la shaagayaa inuu taageero badan ku leeyahay Baarlamaanka, sidoo kalana uu yahay nin xaalada soomaaliya fahansan, lagana filan karo in Madaxweynaha wada shaqeyn karaan, Goonjeex ma ahan nin ku xiran dalal shisheeye ama go’aanadiisa laga hagayo dibada.

Waxaa lagu sheegaa inuu yahay nin wadani ah, jecelna in dalka Soomaaliya ka hirgasho dawlad shaqeynaysa oo cagaheeda ku taagan, Balse waxaa aad u diidan Hogaamiyaha Damu jadiid iyo Dawladaha deriska. Mr Goonjeex ayaa siyaasada Soomaaliya ku jiray ilaa xiligii dawladii Carta, xiligaas oo uu noqday Wasiirkii Beeraha, Xukuumadii Dawladii Cumar Cabdirashiid ayuu ka noqday Raisul wasaare ku xigeen. Goonjeex waxaa lagu sheegaa nin aad dadka u dhagaysta, muddo badan wuxuu kamid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya, Goonjeex wuxuu kasoo jeedaa Gobolka Gedo. 

Xuseen Cabdi Xalane waxaa la sheegayaa inuu aad ula dhacsan yahay Hogaamiyaha Damujadiid Faarax Cabdulqaadir, Mr Xalane wuxuu horay u noqday wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadii Farmaajo, waxaa lagu sheegaa inuu ahaa wasiir ku fiicnaa shaqadiisa, Mr Xalane wuxuu muddo dheer u shaqeynayey Hay’adda Save the Children Gaar ahaan xafiiska Geeska Afrika, Xalane wuxuu ka soo jeedaa Degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool. Xuseen Cabdi Xalane wuxuu ahaa siyaasi aad ugu ololeeyay dhisitaankii Maamulkii Jubaland ee madaxweynaha loogu doortay Ahmed Madoobe, Maamulkaa oo DF Soomaaliya diidaneyd.

Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu qeyb weyn ka ahaa heshiiskii Dawladda Federaalka iyo Maamulka KMG laga dhigay oo Jubba loo bixiyey, Xuseen Cabdi Xalane waa nin aad ugu xiran Dawladaha Deriska taageero weyna ka haysta wadamada IGAD. Faarax Cabdulqaadir ayaa aad ula dhacay xiligii shirkii Heshiisiinta Dawladda Federaalka soomaaliya iyo Maamulka KMG ee Juba, Heshiiska labada nin ayaa la sheegayaa inuu dhacay xiligaa, iyaga oo ku heshiiyey in RW Saacid xilka laga qaado, laguna bedelo Mr Xuseen Cabdi Xalane.

Maxaa laga filan karaa labadaan nin Midkii la magacaababa? 

Mr Goonjeex, waxaa laga fili karaa inay muddo washaqeeyaan Madaxweynaha, ma ahan nin siyaasadiisa laga hagayo banaanka, laakiin hadii madaxweynuhu u dhaqmo sidii uu RW Saacid xukuumadiisa u maamulanayey ayaa la filayaa waqtigeey qaadataba inay isku dhacaan Madaxweynaha, maadaama hadii fashil yimaado uu markasta madaxweynuhu ku qasban yahay qofkii loo saarin lahaa, qofkaas oo uun noqon kara Raisul wasaaraha.

Mr Xalane,  waxaa laga filan karaa in madaxweynaha muddo wada shaqeeyaan, waxaa lagu sheegaa inuu yahay aqoonyahan karti badan, wuxuu aad u cabsan yahay Maamulka KMG ah ee Juba oo dhisitaankiisii hore uu lug weyn ku lahaa, siyaasigaan wuxuu taageero weyn ka heystaa wadamada deriska ee Kenya iyo Itoobiya, waxaa la filayaa inuusan waqti gaaban ka bacdi ka aqbali doonin Madaxweynaha inuu Xukuumada uu hogaamiyo uu u maamusho sida xukuumaddii Saacid, arintaas oo la sheegayo inay keeni doonto inay is qabtaan Madaxweynaha.

Mr Xalane oo hadii ay is qabtaan Madaxweynaha gacan ka heli doona Wadamada IGAD iyo Caalamka ayaa la filayaa in madaxweynaha u suurta geli doonin inuu Xukuumad Labaad rido xili caalamku usoo jeedo Soomaaliya dib u dhiskeeda, taas oo uun ku dhamaan doonta in Madaxweynaha oo jooga Caalamka, AMISOM iyo IGAD ba la shaqeeyaan RW Xalane, arintaas oo ku dhamaan doonta qaabkii Xukuumadii Nuur Cade iyo Madaxweyne Abdullahi Yusuf isu qabteen oo caalamka iyo IGAD la shaqeeyeen RW Nuur Cade markaa kadibna Madaxweyne Col Abdullahi Yusuf lagu qasbay inuu is casilo, waxaa kale oo suuragal ah in Madaxweyne Xasan uu diido inuu is casilo balse uu iska joogo madaxtooyada iyada oo aan wax badan laga weydiineyn qorshe hawleedka dawladda Soomaaliya.

DHEERI: War goor dambe nasoo gaaray ayaa sheegaya in si lama filaan ah uu tartanka iminka u horkacayo Cadbi Weli Sheekh Maxamed nin lagu magacaabo.

FG: Waxaa macquul ah in wax is-beddelaan oo la magacaabo shaqsi aan kuwan midkoodna ahayn

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News