“Xog iyo Gorfeyn”: Maxamed Dheere oo la kulmay R/W Saacid + Loolanka guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysay in guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere”, uu wado qorshe uu dib ugu soo laabanayo jagadaas.

Maxamed Dheere ayaa xalay kullan qaatay dhowr saacadood magaalada Muqdisho kula yeeshay ra’iisul wasaaraha la magaacabay ee Somalia Cabdulqadir Farax Shirdoon “Saacid”.

Maxamed Dheere ayaa la sheegay inuu ka faa’iideysanayo saaxiibtinimo hore oo ka dhaxeysay isaga iyo Saacid, xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, si uu xilkan u helo.

Illaa iyo hadda ma cadda nooca go’aan ee uu Mr. Saacid siiyay saaxiibkiisa waayo waayo ee Maxamed Dheere, oo isaga iyo beesha uu kasoo jeedo ee Warsangeli Abagaal ay dadaal xoogan ugu jiraan inay gacanta ku dhagaan maamulka gobolka Banaadir, oo muddo ku dhow 5 sano gacantooda ka maqneyd, tan iyo markii maxamed Dheere laga qaaday.

Sida aan xogta ku heyno kadib markii beesha Warsangali oo waysay gacan ku haynta muddada dheer ee ukeed qaabka dhaxalka Boqortooyo ee dekadda Muqdisho oo Beesha Absuge Waceysle ay hadda maareeye ka tahay, ayaa waxay doonayaan inay u weecdaan Maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale dadaalkan dhinac kale ka wada ganacsade Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa musharaxiintii ku tanaasualy wareegii labaad ee doorashshada isaga oo taageeraya Xasan Sheikh.

Cosoble ayaa ballan qaad ka heystay Xasan Sheikh, laakiin ma caddeyn nooca jagada la siin lahaa, waxaana iminka uu orod ugu jiraa in qof isaga uu wato laga dhigo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ganacsade Cosoble ayaa sidoo kale arrintaas kala hadlay ra’iisul wasaaraha la magacaabay ee Somalia, oo habeen hore uu la kulmay.

Cosoble ayaan isaga sharci ahaan qaban karin jagada guddoomiyaha baarlamanka Somalia, sababtoo ah waa xildhiban ka tirsan baarlamanka, sidaa darteedna waxa uu u doonayaa aqoon yahan ay ehel dhow yihiin inuu booskaas u galo.

Sharciga cusub ee Somalia ayaa u diidaya xildhibaanada inay laba jago isku qabtaan, waana taas sababta iminka uu cadaadis u saaran yahay Tarsan, si uu labada jago mid u doorto maadaama uu sidoo kale yahay xildhibaan.

Sida wararka sheegayaan Tarsan ayaa dooran doona inuu sii ahaado xildhibaan, maadaama ay caddahay in weji cusub loo doonayo guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Beesha Mataan Cabdulle, oo ah beesha koowaad ee deegaan lagu tiriyo magaalada Muqdisho, ayaa iyana sidoo kale orod ugu jirta sidii ay u heli lahayd xilkaas, oo inta badan ayada la siin jiray taariikh ahaan.

Aqoon yahanno badan oo beesha ka tirsan kana tagay qurbaha iyo gudaha dalka ayaa cadaadis saaraya madaxweynaha sidii uu xilkaas ugu magacaabi lahaa.

Waxaa horey u jirtay ballan qaad uu Xasan Sheikh u fidiyay beel weynta Wacbuudhan Abgaal, oo beesha Mataan ay u tahay laf dhabar, inuu siin doono jagadaas, markii uu tartanka doorashada galayay, hase yeeshee lama yaqaan inXasan Sheikh uu oofin doono ballan qaadkaas iyo in kale.