XOG IYO GORFEYN: Qaranimo Fog inta Qabiil Mudnanta Lee yaahay (Aqri)

Hananka Dawladnimo wuxuu hana qaadi karaa markuu kafoog yahay qabiilaysi nin jaclaysi iyo eex` waxaa hubala markii Hogaamiyuhu uu ka fogaado arrimaha qabiilka inuu yeelan doono hanan qaranimo ummada soomaaliyeed waxaa ku habsatay cudur an daawo lahayn kaas oo ah (Qabiil) qabiil waa midka 23 Sano Soomaali wayn halka ay manta taal dhigay waana adag tahay in cudurkaas daawo loo helo hogaamiye kaste markii xilka loo dhaarsho ayuu ku dhacaa (bohol) qabiil.

Qaranimo fog inta qabiil mudnanta leeyahaay

Inta qabiilku mudnaanta leyahay Soomaaliya qaranimo ka dheer mana gaari doonto hanan Dawladnimo Soomaaliya dhammaanteed waxaa ka jira hanan loogu magac daray yuu yah taas oo ah qabiilkee ayuu ka dhashay taasina waxay gabi ahaanbaa baa`bi,isaay hanankii iyo sharaftii qarankii Jamuuriyaddii Soomaaliya.

Caalamka inta badaan waa ka jirtaa hananka qabaa,iilka haba ugu badnato Wadamadda Carabta laakiin mida Soomaaliya ka jirta aad ayey uga duwan yihiin marka ay timaado hananka dawladnimo waxaa laga yaaba inay ku xisaabtamaan boqor tooyo laakiin aysan ku salayn dhammaan qaranka oo dhan inuu hab qabiil ku yimaaddo.

Soomaaliya waxaa kahana qaaday mamulo ku dhisan qaab qabiil kadib markii ay dawladii dhexe ee Soomaaliya bur-burtay waxaa is ababulay shacabkii waqooyi Galbeed Soomaaliya waxayna dhisteen mamulka Somalind inkastoo ay ku doodayaan inay Soomaaliya ka GO`ayaan waxaa kale oo hana qaaday Puntland oo ah qayb kamida Bartamaha Soomaaliya iyo waqooyi Bari Soomaaliya. Muxuu yahay mamulka ka dhisan Puntland.

Puntland

Puntland alle mahadis waa mamul aad loogu diirsaday waxayna arrintaas ka timid alle kaso kow ummadda halkas tagta oo muujisay isku tanaasul buuxa oo aad moodo inay Soomaalida kale uga duwan yihiin isku tanaasulka markii ay timaado wax qabsiga

Xagee bay ka timid Puntland

Puntland waxay kakooban tahay qabaa,iilo wawayn oo isku tagay kadibna ku Heshiiyey inay maslaxadooda ka tashadaan ayna hanan dawladnimo muujiyaan si,ay u Raadiyaan qarankii Soomaaliyeed ee masiibadu ku habsatay waxayna ku heshiyen in cadaaladu ka bilaabato Puntland kadibna ay Soomaali wayn cadaalad wax ugu raadshaan.

Qaranka iyo qabiilka kee mudnanta leh

Puntland waxay jirsatay 15 sano waxaana hogaanka u haya Hal- Beel oo kamida beellaha ku hishiiyey inay maslaxadooda ka wada tashadaan waxaase mooda inay xaalku yahay qaab Boqortooyo oo kale maxaa yeelay waxaa markhaati kuku filaan Hananka iyo habka wax loo qabsaddo oo aad moodo inay ku salaysan tahay mudnanta waxaa leh reer hebal.

Waa hubaal inaysan jiriin hab dimuquraddiyadeed oo Soomaaliya hada ay wax ku qabsato hananka kaliya ee jirana uu yahay Hal beega qabiilka taas oo ka jirta dhammaan gayiga Soomaaliya min waqooyi min koonfur ilaa Puntland inta hada xasiloonidu ka jirto Soomaaliya

Puntland waxaa hogaanka u qabtay aqoonyahan aad dad badani ay ugu durbaan Tumayeen inuu Puntland hogaansho waxaa laga filayey inuu aqoontiisa wax ku Mareeyo Kana digtoonaado mareegta Qabiilaysiga ku dhisaan waxaase mooda inay ka xoog badnatay aqoontisii inagaa mudaan.

Eex.

Hadii loo fiirsho hananka wax qaybsiga Puntland waa in madaxwaynuhu uu noqdaa qaybiyaha hal beega Puntland asaga oon u eexanayn ciidna maxaa yeelay wuxuu matalayaa waa dhammaan ummadda ku heshiisay inay wax wada wadaagaan isna qadariyo laakiin waxaa jirta eex na loo meel dayiin.

Filashadii dadwaynaha Puntland

Xukumadda Madaxwayne Cabdi wali Maxamad Cali (Gaas) uu soo dhisay aad ayey u Tiro badaan tahay dad badana ma filaayn inay intaas gaarayso xukumadda Gaas laakiin waxaa xaqiiqaa waxa heerkaas gaarsiiyey waa hananka wax lagu qaybsado oo` ah mid an qaranimo ku sifoobin ee ah qabiil.

Ololihii Madaxwayne (Gaas)

Madaxwaynaha ayaa ololihiisii wuxuu shacbiga Puntland u balan qaaday xukumad Tiro yar oo tayo leh hadii uu taas ka run sheegi lahaa waxaa hubaala in xataa beelaha ay ku qanci lahayeen oo ay gar naqsan lahayeen laakiin beelaha ayaa intoota badan hada ka biyo diidsan habka uu,madaxwaynuhu ula dhaqmaay iyo wasiiro tiro badan laakiin An wili tayadooda la araag

Halbeega iyo Cadaalladda Madaxwaynaha (Gaas)

Hal`beega madaxwaynaha iyo ildoofka ku aadan habka uu,u qaybiyey golaha Xukuumadda waxa jira marhadii qaab qabali wax lagu qabsanaayo inay mudnanta leedahay belaha kale ee ka baxsan beesha uu ka sôo jeedo madaxwaynuhu laakiin madaxwayne Gaas ayaa taas iska indha tiray kadib markii uu saan wax u qabiyey.

1-Xasan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirka Wasaaradda Amniga (Beesha Madaxwaynaha)

2-Dr.Saadiq Eenow Wasiirka Wasaaradda Caaafimaadka (Beesha Madaxwaynaha)

3-Xasan Xaaji Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada (Beesha Madaxwaynaha)

4-Guuleed Saalax Barre Wasiirka Deegaanka,dalxiiska iyo Duurjoogta (Beesha Madaxwaynaha)

ku xigeenadda

1-Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha iyo dowladfaha hoose (Beesha Madaxwaynaha)

2-Wasiiru Dowlaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda (Beesha Madaxwaynaha)

Dhamaan wasiiradaan iyo ku xigeenada ayaa ah Beel hoosaadka Madaxwaynaha Puntland halka ay aad uga caroodeen beelaha kale ee an helin mudnantii ay ku lahayeen Hal beega ama wax qaybsiga Puntland halka ay jiraan beelo qaadacay tilabada Madaxwaynuhu uu qaaday oo ah tilabadii ugu horaysay ee uu qaado tan iyo markii xilka loo doortay.

Waxaa qadarin mudan

Waxaa qadarin mudaan inta badaan beelaha Puntland oo ku caan baxay katalinta tanta guud iyo eegida maslaxada guud waxaase Hubaala hadii arintaan ay ka dhici lahayd Mamuladda kale ee Soomaaliyeed sida waqooyiga iyo Koonfurta inay gaashaanka ku dhufal lahayeen khilaaf xoogana la maqli lahaa laakiin tani waxay ku cadaynaysaa nasiibka ay leedahay Puntland.

Gabogabo iyo gunanaad

Waxaan ku soo koobayaa waan qirsanahay inan madaxwaynuhu qancin karayn dhammaan beelaha Puntland laakiin waxaa loo bahnaa in madaxwaynuhu uu ka dhabeeyo balan qadkii ahaa gole tiro yar oo tayo leh hadii taas uu ku adkaysan lahaa Puntland waxaaba ku filan 9, wasiir oo loo qabiyo Gobolada ee na loo qabin

Qabaa,iilo waxaa kale oo eex` ah in wasiiradii ugu badnaa abid intii Puntland dhisnayd ay helaan Hal jifo oo kamida beelaha Puntland taasina waa il duufka Madaaxwayne Gaas):

W/Q: Cabdi Nuur Faarax Maxamud

Email Guuleed72.com

Facebook-https://www.facebook.com/dhuuxq

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid